13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo joojiyay Masaafadii Dhalinyarada u aadi jireen Daafeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, November 01, 2006(HOL): Maxkamadda Islaamka Wanla weyn oo hoos tagta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed ayaa mamnuucday masaafadii ay dhalinyarada is-meher xadeysa u aadi jireen Deegaanka Daafeed ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Sababta ay u joojiyeen ayuu ku sheegay guddoomiyaha Maxkamaddaas Shiikh Mahad Maxamed Shiikh in aysan masaafadu baneyneynin diinta Islaamka, isla markaana ay la gudboon tahay ragga iyo dumarka is-masaafeysanaya in ay waalidiintooda iska doontaan.

 

Dhalinyaro badan oo masaafo isu qaban qaabineysay, isla markaana ka dhuumanayay Waalidiintooda ayaa ka naxay amarkan ka soo baxay Maxkamadda Islaamiga Degmada Wanlaweyn, halka Waalidiinta badankoodna ay soo dhaweeyeen amarka ka soo baxay Maxkamadda, waayo waalidiinta dhalay gabdhaha waxaa ka baaqaneysa in ay arkaan gabadhoodii oo si qarsoodi ah uu u uureeyay wiil meher xaday.

 

Arrinta masaafo aadista ayaa ah mid ay culumaa’udiinka Soomaaliyeed ku kala qeybsan yihiin, waxayna culimada ka soo jeeda dariiqada Suufiyada ay qabaan in masaafadu banaan tahay, halka culimada ay lidka isku yihiin ee Al-Itixaadkana ay qabaan in ay gebi ahaanba xaaraan tahay masaafada.

 

Sababta keenta Masaafada  oo inta badan ay aadaan Dhalinyarada ayaa waxay tahay sida ay dad badani aaminsan yihiin cabsi ay dhalinyaradu ka qabaan waalidiintooda oo ay is-leeyihiin armey isu kiin diidaan kadib marka aad u tagtaan idinka oo is-wata.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maxkamadaha Islaamka ayaa markii ay si buuxda ula wareegeen talada Magaalada Muqdisho waxay durba mamnuuceen daawashada aflaanta, Isboortiga, sidoo kalena waxay joojiyeen Xafladihii kala gedisnaa ee lagu tumi jiray Hotellada Muqdisho, gaar ahaan aroosyada iyo xafladaha gaarka ah, halka ay dhawaana ka joojiyaan haweenka in ay ku dabaashaan xeebaha Muqdisho, iyagoo taasina sabab uga dhigaya in xeebta ay joogaan rag ay dumarka kala ajnabi yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).