Talaado, October 31, 2006(HOL): Gudoomiyaha Guddiga Olombikada Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) ayaa ku soo Gebagabeeyay Garoonka Kubada Cagta Lama-Galaay Koobkii Ramadaanka oo ay ku Tartamayeen 12 kooxood oo ah heerka Koowaad ah.
Cumar Baadiyow oo Gunaanadkii Cayaarta hadal kooban u jeediyay kooxihii ka qeyb-galay Tartanka ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay hanaankii uu ku soo dhamaaday Tartanka iyo Xilka ay isa saareen Gudiga qabanqaaabada Tartanka oo uu ku amaanay in uu muujiyay dadaal iyo dulqaad dheeraad ah,
waxaana uu intaas ku daray mar walba muhiimadda koowaad la siinayo sida Kooxuhu u ilaaliyaan Xeerka iyo Qawaaniinta caalamiga ah ee u yaala Bahda Kubadda Cagta.
Guddoomiyaha oo Koobka Guddoonsiiyay Kooxda Xaawo Taako oo ku Guuleysatay Tartanka ayaa sidoo kale Abaalmarino ay ku farxaan Gudoonsiiyay Kooxdii Gashay kaalita Labaad ee Gaadiidka, isagoo sheegay in labada kooxoodba ay muujiyeen Dadaal si ay ku soo gaaraan heerka kama dambeysta ah.
Koobka Ramadaanka oo ka bilowday Gobolka qeybihii hore ee Bisha Ramadaan ayaa ka sokow dadaalka ay sameeyeen Guddiga Isboortiga Gobalka waxaa qabasoomidiisa gacan weyn ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka ee Gobalka Hiiraan ka soo jeeda oo uu si gaar ah uga xusay gudoomiyuhu dhalinyaro ay ka mid yihiin, Max’uud Axmed Xasan, Liibaan Cabdi Axmed, C/raxmaan Geedi Xuseen, C/risaaq Xubeero, Max’ed Suusow, Max’ed Cabdulle Naasir (Khalaafo), Claahi Cumar Qeyloy, Bashiir Nuur Diiriye, Saadaq Cumar Axmed, Saadaq Iidoor, Cawil C/laahi, Axmed Abtidoo, C/risaaq Cadaawe, Ilyaas C/di Xayuuke, iyo dhamaan dhalinyarada Reer California oo uu sheegay Gudoomiyuhu in ay yihiin dhalinyaro Jecel mar walba horukaca iyo habsami u socdka Kubadda Cagta.
Taranka oo intii uu soday ay u soo daawasho tegi jireen Dadweyne aad u faro badan ayaa ku soo beegmay Xili ay xiran yihiin dhamaanba goobihii lagu daawan jiray Cayaaraha ayaa dhalinyarada ku dhaqan Gobolka taa badal-keeda waxaa u galay Tartamo iyo Cayaaro gaar ah oo ka kala socda garoomada kala duwan ee Kubada cagta lagu ciyaaro.
In badan oo ka mid ah Bahda Isboortiga Gobolka ayaa itii uu soday Tartanka waxaa ay wadnaha Farta ugu hayeen Suurta galnimada in Maxkamadda Islaamiga Gobolka ka joojiso Tartanka walow haddana taas aysan dhicin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Kismayo