13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Dowladda Mareykanka oo ka digtay in dalka Soomaaliya uu noqdo goob ay ku dagaalamaan Dalal cadaawad isu qaba

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 31, 2006(HOL):  Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in dalka Soomaaliya uu noqdo goob ay ku dagaalamaan wadamada la deriska ah ee Itoobiya iyo Eretereya, wuxuuna afhayeen u hadlay uu ugu baaqay Maxkamadaha Islaamka in ay wada hadallo la galaan Dowladda tababarta daran ee Soomaaliyeed, waa sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Sean McCormack oo dowladaha Itoobiya iyo Eretereya uga digay in aysan cadaawadda u dhaxeysa u safrinin dalka Soomaaliya.

 

Warkan oo ay shaacisay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa wuxuu intaas ku darayaa in cabsi laga qabo in uu dhaco dagaal gobolka oo dhan ku faafa, kadib marka isku dhacaan Xoogagga Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo kala garabsanaya Dowladaha Itoobiya iyo Eretereya oo xiisad dagaal ay u dhaxeyso.

 

Maxkamadaha Islaamka ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in ay ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqeen Jihaad ka dhan Itoobiya. Itooobiya dhankeeda waa ay beenisay in ay ciidamo u dirtay Soomaaliya, walow uu Ra’iisal Wasaaraheeda Meles Zenawi caddeeyay in ay Soomaaliya ka joogaan Tababarayaal Meleteri.

 

Dowladda Eretereya iyadana waxay beenisay eedeyn uu Mareykanka u jeediyay oo ahayd in ay hub u dirtay maxkamadaha Islaamka, waxayna sheegtay Eretereya  in warkaasi uu yahay mid aan sax ahayn oo uu Amerikaanku ku qarinayo taageerada uu Itoobiya ku siinayo faragelinta ay Soomaaliya ku heyso.

 

Maxkamadaha Islaamka oo ay Dowladda Mareykanka ku eedeyso in ay gabaad siiyaan xubno ka tirsan Shabakadda Al-qaacidda ayaa waxay sheegeen in aysan wada hadallo la geli doonin dowladda Federaalka Soomaaliyeed tan iyo inta ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan gudaha Soomaaliya, sidoo kalena shirka guddoonka wada hadallada laga saarayo Dowladda Kenya.

 

“Waa nasiib darro in Maxkamadaha ay shuruud ku xiraan wada hadallada ay la gelayaan Dowladda Federaalka”ayuu yiri Afhayeen Sean McCormack oo caddeeyay in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tabar daran oo aan horumarsaneyn.

 

Bishii September ee aynu ka soo gudubnay ayay ergooyin ka socday Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ku heshiiyeen qodobo ay ka mid ahaayeen in wixii colaad horseedi kara la joojiyo, sidoo kalena la dhiso xoogag mileteri oo ay labada dhinac leeyihiin, inkastoo dib loo dhigtay ka hadalka qodobo ay ka mid ahaayeen awood qeybsiga iyo arrimaha Ammaanka.

 

Inkastoo aysan Dowladda Mareykanka xiligan Safaarad ku lahayn dalka Soomaaliya hadana waxaa uu sheegay Mr. Sean McCormack in ay si joogto ah xiriiro ula sameynayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Itoobiya iyo Eretereya, si buu yiri loo baajiyo dagaal dhaca, isla markaana loo abuuro jawi ay ku wada hadli karaan dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).