Isniin, October 30, 2006(HOL): Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay roobab maalmihii tegay ka da’ayay gobollada Banaadir iyo Shabeelooyinka, haba ugu sii darnaadaanee Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.
Roobab habeen hore ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhimashada ilaa 16 qofood oo ay ku jireen caruur ay daadad ugu galeen guryahooda, kuwaasi oo meydkooda la arkay isagoo dul sabeynaya biyihii ka buuxsamay gurigii ay deganaayeen, halka waalidiintii caruurtaas dhalay oo qol kale jiifayna aysan ku soo kicin daadka guriga u soo galay.
Meelaha kale ee uu khasaaraha ka geystay roobka Muqdisho ka da’ay ayaa waxaa ka mid ah deegaano ka tirsan Degmada Hodan, wuxuuna khasaarahaas yimid kadib markii Warta Keydka Biyaha Siigaale ay ku fatahday deegaanada ku dhow dhow oo uu xitaa ku jiro Masjidka Uunlaaye oo muddo labo maalmood ah ay biyo dhex jiifaan, dhamaan gogoshiisii iyo Kutubtiisiina ay biyaha roobka maasheeyeen.
Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa iyaguna laga soo sheegayaa khasaare uu roobku u geystay oo gaaraya dhimashada ilaa 7 ruux oo deegaano kala duwan ah, sidoo kalena ay daadadka Roobka ka dhashay dileen 150 neef oo Ari ah iyo 1,200 oo Digaag ah, halka uu baabi’iyay roobka ilaa 11 kun oo Hector oo dhul beereed ah.
Cusmaan Maxamed Mukhtaar oo ka tirsan xafiiska xiriirka Hay’adaha Samafalka Degmada Balcad ayaa ka hadlay khasaaraha uu roobka u geystay wuxuuna sheegay in deegaanada uu roobku khasaaraha ka geystay ay ka mid yihiin: Jameeco Misra, Kulmis Yarow, Damalleey, Far Barako, Bohol, Xamuu Xalane, Beerweyne Celi, Mulu-muli, Shiikh Xintir, Busle, Goley, Xaanooley, Baqdaad, Raqeylow, Xawaadley, Shanlow, Dhagaxow, Buulo Bajiino, Mukayley, Buulo Banaaney ilaa Buulo Shiikh.
Cusmaan Maxamed Mukhtaar waxaa uu sheegay in ay dadka deegaanadaas ku dhibaateysan ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah oo lalal soo gaaro, wuxuuna caddeeyay in aaney ilaa iyo haatan jirin cid gargaar wada oo dadkaas u gurmatay, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday Hay’adaha samafalka ay in gurmad deg deg ah la gaaraan dadkaasi oo xoolihii iyo beerihii ay ka baaba’een.
Dhanka Shabeelaha Hoose-na ilaa 4 Tuulo oo ka tirsan degmada Qoryooleey ayaa lagu soo waramayaa in ay go’doon yihiin, kadib markii roobabkii da’ay ay si weyn u biyo dhigeen wadooyinkii loo mari jiray, waxaana tuulooyinka ay sida weyn u biyo dhigeen ka mid ah Wadajir, Xalane iyo Hodon, iyadoo ay soconayaan dadaallo la doonayo in biyaha xiray waddooyinkaas lagu dhimo.
Hay’adda ICRC oo iyadu mar kasta oo fatahaad timaado dadka Shabeelaha Hoose ku caawin jirtay qalabkii ay biyaha isaga moosi lahaayeen ayaa haatan waxay ku howlan tahay sidii ay mar kale dadkaas u caawin lahayd, iyadoo koox gurmad ahna halkaas u dirtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia