13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Shirka Khartoum oo furmaya iyadoo dhinacyada ka qeybgalaya ay shuruudo isku xirayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 30, 2006(HOL): Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 30-ka Oktoobar 2006 waxaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ku ballansan wufuud ka kala socota maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isla magaaladan ku yeeshay wada hadallo aan la fulin qodobadii ka soo baxay.

 

Labada dhinacba waxay shirka u dirsadeen wufuud dhowr iyo toban xubnood ah, kuwaasi oo sii amba qaadi doona wada hadalladii qabyada u ahaa Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo iyagu haatan wada saaran masraxa siyaasadda Soomaaliya.

 

Shirka ay labada dhinac ku yeelanayaan Magaalada Khartoum ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ciidamadooda ay isu jiraan masaafo lagu qiyaasay 10km, tiiyoo ay dadka qaarkiis cabsi weyn ka qabaan in ay ciidamadaas isku dhacaan.

 

Hoggaanka Wafdiga Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa shalay markii uu ka duulayay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa uu sheegay in aaney jirin wax natiijo ah oo ka soo bixi kara shirka Khartoum tan iyo inta ay dalka Soomaaliya ku jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay shirka wax ka guddoomineyso Dowladda Kenya oo uu ku tilmaamay mid aan dhexdhexaad ka ahayd arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale wufuudda Dowladda ayaa iyaguna waxay shirka la tegayaan shuruud kale oo ah in haddii wada hadallo la doonayo ay maxkamadaha Islaamka dib ugu laabtaan deegaanadii ay ku sugnaayeen ka hor shirkii Khartoum, iyadoo dowladda Federaalka ay ku sii dhegan tahay dalabkeeda ah in ciidamo shisheeye la keeno dalka Soomaaliya.

 

Wufuudda ka kala socota dowladda federaalka iyo maxkamadaha Islaamka ayaa waxay muujinayaan kalsooni darro ku saabsan in wax ka soo bixi karaan shirka ay markii seddexaad u fariisanayaan Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, inkastoo diblumaasiyiinta Jaamacadda Carabta iyo IGAD ee shirka wada guddoomin doona ay labada dhinacba ugu baaqayaan in ay joojiyaan shuruudaha ay shirka ku xirayaan.

 

Dhanka kalena, warar aanu ka helnay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in wafdigii Dowladda ee u amba baxay Magaalada Khartoum uu ka haray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Xasan oo qorshuhu ahaa in uu hoggaamiyo Wafdigaas.

 

Sababta uu guddoomiyaha uga haray wafdiga ayay wararku sheegayaan in uu ka carooday qoraal uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf u diray Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo uu ugu sheegayay in hoggaanka wafdiga Dowladda uu yahay Wasiirka Dastuurka Arrimaha Federaalka Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil, guddoomiyaha Baarlamaankana uu yahay Guddoomiye sharafeed kaliya.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa horay isaga casilay ka qeybqaadashada howlaha dib u heshiisiinta ah ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, iyadoo xiligaasina la sheegay in guddoomiyaha uu ka carooday qoraal uu Ra’iisal Wasaare Geedi u diray Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Nairobi, kuwaasi oo uu u sheegay in uusan wada hadallada Dowladda wakiil ka ahayn Guddoomiyaha Baarlamaanka, inkastoo Ra’iisal Wasaare Geedi uu dorraad ka sheegay magaalada Baydhabo in uusan la soconin is-casilaad uu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, warkaasina uu saxaafadda ka maqlay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).