13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ganacsatada Muqdisho oo kulamo ka leh sidii ay hubkooda ugu wareejin lahaayeen Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 29, 2006(HOL): Mas’uuliyiinta Golaha maxkamadaha Islaamiga ayaa doonaya in ay soo wareejiyaan hubka ay gacanta ku hayaan ganacsatada kala duwan ee magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah barnaamij ay Maxkamaduhu ku xareynayaan dhamaan hubka yaala deegaanada ay ka taliyaan.

Midowga ganacsatada Gobolka Banaadir oo shalay kulan ka yeeshay dalabka uga yimid dhinaca Maxaakiimta ayaa la sheegay in ay mabda’ ahaan soo dhaweeyeen in hubka uu noqdo mid ku jira hal gacan oo qur ah balse ay weli leeyihiin wada hadallo ay uga arrinsanayaan qaabka ay hubkaas ku wareejin lahaayeen, xili ay Maxkamadaduhu sheegeen in ay u baahan yihiin hubka ay ganacsatadu heyso maadaama uu ku furan yahay dagaalka ay sheegeen in ay kula jihaadayaan Ciidamada Itoobiya ee ku soo duulay Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Ganacsatada Muqdisho Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa shalay u sheegay saxaafadda in ay ugu baaqayaan Dowladda Itoobiya in ay ka baxdo gudaha Soomaaliya, haddii ay ka bixi weysana ay hubkooda oo idil ku wareejin doonaan Midowga Maxkama daha Islaamka, wuxuuna ku baaqay in la taageero Shirka Khartoum.

Kulanka ay isugu yimaadeen Ganacsatada Muqdisho ayaa wuxuu yimid kadib markii uu maalintii Jimcaha ahayd uu Guddoomiyaha Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu ka codsaday Ganacsatada Soomaaliyeed in ay hubkooda ku biiriyaan Jihaadka, si ay ugu dagaalamaan mujaahidiinta dooneysa in ay dalka ka saaraan ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).