13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Khartoum ma Jihaad-joojin ayaa loo tegayaa mise in jagooyin Siyaasadeed lagu soo qeybsado?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 29, 2006(HOL): Labada dhinac ee ay beesha Caalamku ka dhex baadi-goobayaan xalka arrimaha Soomaaliya ayaa berito u ballansan wada hadallo u socday wareegoodii seddexaad, iyadoo ay wax badan iska bedeleen sida ay xaaladdu ahayd marka la bar-bar dhigo labadii kulan ee ka horeysay ee Khartoum I iyo Khartoum II.

Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxkamadaha Islaamiga waxaa ay ka tegayaan gudaha Soomaaliya, iyagoo ciidankooda yihiin kuwo sanka isu saaran, saacad kastana la filan karo in ay isku dhacaan, tiiyoo ay dheer tahay in caqabado ay labada dhinac shuruud uga dhigayaan in ay fariistaan miiska wada hadalka, kaasoo aan markan la fileynin in ay natiijooyin wax ku ool ah ka soo if-baxaan marka la fiiriyo kala qeybsanaanta soo kala dhexgashay xitaa qaban qaabiyayaasha kulanka Khartoum oo ay doorkan ku soo korortay IGAD oo isha isaga heysa Jaamacadda Carabta.

Lama filan karo in sidii horay loogu ballansanaa laga hadlo qodobada xasaasiga ahaa ee loo reebtay kulankan sida in la qeybsado awoodda iyo in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo ay labada dhinac isku raacsan yihiin, waxaana taas bedelkeeda suurtagal ah in kulanka oo dhami uu hareeyo shuruudaha ay labada dhinac soo qadimi doonaan iyo in lagala hadlo sidii ay mar kale u sameyn lahaayeen xabad joojin keeni karta in la baajiyo Jihaadka ay mas’uuliyiinta Golaha Maxaakiimta ku dhawaaqeen iyo in meesha laga saaro ciidamada Itoobiyaanka ah ee darbiga u ah Dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac waxaa ka soo if-baxayay hadallo kul-kulul oo muujinaya rajo xumida laga qabi karo natiijada shirka seddexaad ee Khartoum, waxayse su’aashu ku laabaneysaa qabanqaabiyayaasha kulanka iyo bulshada caalamka ee aadka u daneyneysa arrimaha mushkiladda Soomaaliya, kuwaasoo looga fadhiyo in ay keenaan farsamo kale oo xal looga dhex dhalin karo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha ay awooddooda ku sii ballaaraneyso Gobollo hor leh oo ka tirsan Soomaaliya.

Waxaa laga yaabaa in aaney xitaa isla soconin kuwa ka qeybgelaya wada hadalka Khartoum iyo xubnaha ay ka soo jeedaan ee ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, marka la eego dagaalkii ay kooxda ku sugan Baydhabo ku qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo hadallada ka soo yeeraya mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadaha sida Shiikh Xasan Turki oo aan qarsan in uu fikirkoodu yahay in ay cagta mariyaan Baydhabo iyo xitaa Dowlad goboleedyada Puntland iyo Somaliland, walow uu Shiikh Shariif sheegay in ay taasi tahay mid ku eg ra’yiga Shiikh Xasan Turki.

Xaaladda Soomaaliya ma ahan mid walaac ku heysa Soomaalida oo qura ee xitaa waxaa ay salka la gashay danaha dalal ka tirsan Caalamka oo qaarkood uu khilaaf ba’an ka dhaxeeyo, kuwaasi oo haatan u muuqda in ay si buuxda u kala taageerayaan labada dhinac, iyadoo cowska ku baaba’ayana uu yahay shacabka Soomaaliyeed ee dhiiggooda loo daadinayo maslaxad ay dalal shisheeye ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ma ahan dal hodan ah oo khilaafka ka taagan uu durbadiiba si xoog leh u soo jiidan karo Beesha Caalamka, waana tan keeneysa in dalalka qaarkood aaney Mileteri ahaan ka lug bixin ciidda Soomaaliya, iyagoo had iyo jeerna beeniya faragelintooda, taasoo haddii ay sii socoto hubaal tahay in ay sii kordhaan dalalka lagu eedeeyo in ay haatan ciidamo ay leeyihiin ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo kuwa Golaha maxaakiimta waa in ay xusuusnaadaan in Soomaaliya aaney xiligan qaadi karin iska hor imaadyo hor leh oo uu dhiig badan ku daato, iyadoo ay haatan Soomaalida bilaabeen in ay ka sii cararaan cabsida ay ka qabaan dagaalladaas, taasoo keentay kalsooni darrada ay ku qabaan in madaxdoodu aaney ahayn kuwo u damqanaya dadkooda, marka laga reebo in ay yaqaanaan oo kaliya waxa iyaga dan u ah iyo waxa u daran midba, taasoo ah mida Soomaaliya dhigtay heerka ay maanta ka taagan tahay Caalamka oo idil.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).