13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

PROF. IBRAAHIM XASAN: “Dowlad ay Itoobiya si macmal ah nafta ugu celineyso ayaa jirta ee ma jirto Dowlad Federaal ah iyo deegaan ay ka taliso toona”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 29, 2006(HOL): Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow, ahna madaxa ergada Maxkamadaha Islaamiga ee shirka Khartoum ayaa si cad u sheegay in aaney jirin wax la yiraahdo Dowlad Federaal ah iyo meel ay ka taliso toona.

“Dowlad ay Itoobiya si macmal ah nafta ugu celineyso ayaa jirta ee ma jirto Dowlad Federaal ah iyo deegaan ay ka taliso toona”ayuu yiri Ibraahim Xasan Caddow oo intaas ku daray in Baydhabo ka taliso Dowladda Itoobiya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Golaha Maxkamadaha Islaamka Prof. Caddow ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Maxkamadaha Islaamka iyo Soomaaliya, wuxuuna ku dooday in ay iska difaacaan mooyee aaney waddo kale u furneyn.

Prof. Caddow waxaa uu sidoo kale sheegay in shirka Khartoum ay ogol yihiin ka qeybgalkiisa, balse ay jiraan labo caqabadood oo uu ku kala sheegay faragelinta Itoobiya iyo hoggaaminta shirka ee IGAD, “inta ay Itoobiya faraha kula jirto dalka Soomaaliya waxaa iska yaraan doona waxa ka soo bixi kara shirka Khartoum”ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo dhinaca kalena dowladda Kenya oo wax ka shir guddoomineysa shirka Khartoum ku eedeeyay in aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya.

Laakin Danjiraha Dowladda Kenya ee Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo u waramayay Wargeyska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayaa iska fogeeyay eedeymaha ay maxkamadaha Islaamiga u jeediyeen Dowladdiisa kuwaasi oo ah in aaney dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay yihiin kuwo u xaglinaya dhinaca Dowladda Federaalka.

Danjire Afey oo ay Dowladdiisu la guddoomin doonto Jaamacadda Carabta shirka Khartoum ayaa sheegay in kaalintoodu ay tahay fududeyn oo kaliya, isla markaana ay sameyn doonaan wax kasta oo ka dhigi kara in ay noqdaan dhexdhexaadiyayaal wanaagsan.

Danjire Afey waxaa kale oo uu sheegay in Jaamacadda Carabta ay ku wargelisay Dowladda Kenya in labada dhinac ee isku khilaafsan Soomaaliya ay ka soo wada qeybgeli doonaan Shirka Khartoum.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).