13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo baaris ku haya dadkii ka dambeeyay haweeney xalay Kismaayo lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 28, 2006(HOL):  Sida ay ku soo warameyso wariyaheena magaalada Kismaayo Sahra Cabdi Axmed waxaa xalay lagu dilay Xaafadda Calanleey ee magaaladaas haweeney lagu magacaabi jiray Xaawo Muuse Ammaan,taasi oo ay dileen afar maleeshiyo ah oo wejiga soo qarsaday.

 

Haweeneyda ayaa waxaa iyadoo fadhida daaradda gurigeeda waxaa u soo galay Afar nin oo ku hubeysnaa Qoryaha AK47, isla markaana wejiga ku soo duubtay Cimaamado, kuwaasi oo ku furay rasaas ay u geeriyootay.

 

Faadumo Muuse Ammaan oo la dhalatay Haweeneyda la dilay ayaa sheegtay in walaasheed ay ahayd qof aan dadka dhibaato u geysan jiray, isla markaana aysan jirin cid ay takano kala dhaxeysay.

 

Haddaba markii uu falkaas dilka ah dhacay ayaa waxaa tegay goobtii uu dilka ka dhacay ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo xalay ilaa saakay baaris ku haya, isla markaana ku raad jooga maleeshiyooyinkii dilka geystay.

 

Waa dilkii ugu horeeyay oo qof rayid ah loogu geysto Magaalada Kismaayo tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Gobollada Jubbooyinka, wuxuuna dilkii xalay dhacay uu cabsi weyn ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo su’aal iska weydiinaya sida ay ku dhacday in ay maleeshiyooyin fal dil ah ka geystaan gudaha Magaalada, weliba iyadoo ay ciidamada Maxkamadaha Islaamka joogaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).