13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxaa ka jira in ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka af-duubteen Xildhibaano u socday magaalada Baydhabo?

- Advertisement -spot_imgspot_img


Warka oo Cod ah Halkan ka dhegeyso
By: Salaad Xiis, Hiiraan Online

Khamiis, October 26, 2006(HOL): Warkan ku saabsan in la af-duubtay Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi, Shiikh Jaamac Xaaji Xuseen iyo Macallin Jiis waxaa sii daayay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo sheegay in ay Maxkamadaha Islaamka af-duubteen Xildhibaano u socday Magaalada Baydhabo.

 

Salaad Cali Jeelle wuxuu intaas ku daray in ay Xildhibaanada af-duubteen Saraakiil Ajnabi ah iyo Ciidamo ka amar qaata oo Maxkamadaha Islaamka Buur-Habaka la jooga.

 

Laakin waxaa warkaas ka daba yimid oo beeniyay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Ammaanka, wuxuuna Shiikh Indha Cadde sheegay in aysan jirin Xildhibaano ay af-duubteen oo Baydhabo ku socday.

 

“Salaad Cali Jeelle waa nin weyn, waxaana la gudboon in uu  u hadlo sida qof mas’uul ah, warka uu sheegay ee ah in ay Xildhibaano af-duubanayna waxba ka jiraan”ayuu yiri Indha Cadde oo sheegay in ay Xildhibaanadaas kaliya Muqdisho ku celiyeen kadib markii sida uu yiri ay u baqeen ammaankooda.

 

“Sida aad la socotaan Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan Amxaaro, waxaana ka baqnay in la waxyeeleeyo bacdamaa Baydhabo lagu xiray wariyayaal noogu yimid Degmada Buur-Hakaba”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo caddeeyay in ay seddexdaas Xildhibaan iyadoo bed-qaba Muqdisho dib ugu laabteen.

 

Dib u soo celinta Xildhibaanadan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu maanta Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Xilmi Boqorre uu ugu baaqay Xildhibaanada Soomaaliyeed meel ay joogaanba in ay muddo 10 cisho ah ku tagaan Magaalada Baydhabo, isagoo sababta uu Xildhibaanada ugu yeerayna ku sheegay in  muddo 4 bilood ah lagu daray Kalfadhigii Baarlamaanka oo ay ahayd in la soo xiro.

 

Maxkamadaha Islaamka oo haatan ciidamadooda ay ku sugan yihiin Degmada Buur-Hakaba oo 60km u jirta Magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa waxay ka  joojiyeen Magaalada Baydhabo in ay gudbaan gaadiidka Xamuulka ah ee Rashiilka iyo Shidaalka daabula, iyadoo taasina mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka ay ku fasireen cunaqabateyn ay ku soo rogeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Gobolka Bay kuwaasi oo ay sheegeen in shidaalkaas loo geyn jiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).