Khamiis, October 26, 2006(HOL): Ciidamada Maxakamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Kismaayo ayaa si nabadgelyo ah ula wareegay Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka amar qaata Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliyed Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.
Ciidamo ka kala amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo
Ibraahim Shukri Shiikh Axmed oo afhayeen u ah Maxkamadda Islaamka gobollada Jubbooyinka ayaa mar uu saxaafadda la hadlay dhawaan waxaa uu sheegay in ay Col. Barre Hiiraale ka qabsadeen ilaa 36 gaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa ay madaxda ku socdaan, sidoo kalena ay ka dileen maleeshiyooyin ka badan 40 nin, sidoo kalena ay qabteen Sarkaal Itoobiyaan ah oo la socday, kaasi oo ay dhawaan saxaafadda u bandhigi doonaan.
Dhanka kalena, Ciidamadii iyo Tiknikadii uu watay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa dib ugu laabtay Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay iska abaabuleen markii ay u amba baxayeen Degmada Saakow iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Jubada Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia