13.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

SHIIKH FAARAX MACALLIN : “Gawaarida Dagaalka ee soo gaaraya magaalada Beledweyn waxaa ay qeyb ka yihiin arrimhii aynu ku soo ballanay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 26, 2006(HOL): Maalmihii aynu soo dhaafay oo idil waxaa dadka ku dhaqan Gudaha gobalka Hiiraan siweyn uga fajiciyay Gawaari kuwa dagaalka ah iyo ciidamo aad u hubeysan oo si aan kala go’ lahayn u soo gaarayay gudaha magaalada B/weyn, iyagoo ka imaanaya magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, iyo waliba Magaalada Ceel-Buur ee Gobalka Gal-gaduud.

Hadaba si aan wax uga ogaano ujeedada socdaalka ciidamadaas ayaan wax ka weydiinay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamiga Gobalka Hiiraan Shiikh Faarax Macalin Max’uud, wuxuuna wareysigii aan la yeelanay uu u dhacay sidan:

HOL :– Marka hore Shiikh Faarax Bal waxaad ka warantaa Xaalada Guud ee Gobalka, gaar ahaan xiisaddii in dhawaale ka taagneyd Deegaanka Kala-Beyr oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Maxkamada iyo waliba kuwo daacad u ah mas’uuliyiinta maamulkii hore ee Gobalka.?

SHIIKH FAARAX :- Runtii xaaladda guuda ee Gobolka xiligan waa mid laysku haleyn karo dhinaca Amaanka maadaama ay wax badan ka qabteen ciidamada maxkamada islaamiga Gobolka, dhinaca kale haddii aan si kooban uga jawaabo arrinta deegaanka Kala-beyr hadda wax weyn oo dhib ah kama taagna ciidamadeenuna waxaa ay ku jiraan heegan buuxa, iyaga oo mar walba isha ku haya dhaq-dhaqaaqa halkaa ka jira.

HOL :- Shiikh Faarax waxaa jirta arin inta badan dadku wax iska weydiinayo arrimo ku saabsan Ciidamo iyo gawaari kuwa dagaalka ah oo si aan kala go’ layhayn u soo gaaraya Gudaha magaalada B/weyn, sidaa daraadeed maxaa lagu macneyn karaa socdaalka ciidamadani.?

SHIIKH FAARAX :- Ciidamada soo gaaraya Gudaha magaalada B/weyn magaalo kasta haka yimaadaanee waa uun ciidamadii Midowga maxkamadaha inaguna waxeynu wadda shaqeyn buuxda la leenahay midowga maxkamdaha, sidaa daraadeed waa arin qeyb ka aah arrimo aynu horay uga soo ballanay annaga iyo mas’uuliyiinta Midowga maxkamadaha kol dhaweyd markii aan gaarnay magaalada Muqdisho, waxayna ay ka qeyb-qaadanayaan sugida nabad-galyada iyo waliba difaaca guud ee gobalka maadaama gobalku yahay mid ku yaala Goob hal-bowle u ah guud ahaan dalka.

HOL :- Taas macnaheedu ma waxa weeye waxeynu dareenay Culeys inaga badan oo qasab ka dhigaya in aad raadisaan gacan taageero ah?.

SHIIKH FAARAX:- Xaalku sidaas maaha ee mar walba wada shaqeyn ayaa naga dhaxeysa Annaga iyo midowga maxkamdaha ayaa ku leeyahay.

HOL:- laakiin ciidamadu waxaa ay ka kala imanayaan Magaalooyin kala duwan marka hogaanka Guud ee ka dhaxeynaya waa kee mise Qolo walba iyada ayaa iskeed isku maamuleysa?.

SHIIKH FAARAX :- Taas hadda munaasab ma’aha in aynu ka jawaabno, laakiin waxaad ogaataan in Arimuhu aysan iskugu dhex yaacsaneyn sidii hogaamiye kooxeedyada oo kale, wax walbana waxaa ay ku soconayaan nidaam la wadda og yahay.

HOL : Dhawaan Dowladda Itoobiya waxaa ay sheegtay in marna aysan Duulaan ku qaadi doonin ciida soomaaliya balse ay is difaaci doonto oo kaliya, sideed u aragtaan warkaa isaga ah ? .

 

SHIIKH FAARAX :- Waa arrin muhiim ah haddii ay ka dhabeynayaan Anaga laftirkeena Duullaan kuma nihin dhinaca Itoobiya, laakiin mar walba weynu foojigan nahay.

Ugu dambeytii Shiikh Faarax waxaa uu ka hadlay rabsho subixii ciidda ka dhex dhacday ciidamada maxkamadda iyo dad siday Calanka Soomaaliya oo doonayay in la saaro Xarunta maamulka Gobolka, waxaa uu sheegay Shiikh Faarax in marna iyagu aysan diidaneyn Calanka Soomaaliya laakiin dadkii isku soo baxay subaxdaas ay ahaayeen dad doonayay in ay qal-qal ka abuuraan gudaha Magaalada sidaa daraadeed ciidamadu waa ay ka hortageen falkaa isaga ah.

Waxaa Wareystay:
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).