16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo seddex wariye ku xirtay Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 25, 2006(HOL): Wariyayaashan oo lagu kala magacaabo Mukhtaar Maxamed Catoosh, Maxamed Caddaawe iyo Fahad Maxamed Abuukar, isla markaana u shaqeynayay Idaacadaha Horn Afrik, Shabeelle iyo Warsan ayaa waxaa xabsiga u taxaabay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna haatan ku xiran yihiin xabsiga magaalada Baydhabo.

 

Sababta loo xiray Wariyayaashan ayaan ilaa iyo haatan shaaca laga qaadin marka laga reebo in ay Ciidamada dimbi baarista Dowladda Federaalka ay sheegayaan in laga shakiyay oo la baarayo sababihii ay u tageen Magaalada Buur-Hakaba kadib markii ay ciidamada Dowladda Federaalka isaga baxeen magaaladaas.

 

Wariyayaashan ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Buur-Hakaba waxay Idaacadahooda oo Muqdisho iyo Baydhabo ku kala yaala u direen sida ay tahay xaaladda Magaaladaas oo xiisad colaadeed ay ka jirtay, waxaana warbixinnada ay direen ka mid ahaa banaanbax lagu taageerayay dib u qabsashada Maxkamadaha Islaamka ee Magaalada Buur-Hakaba iyo weliba Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha oo halkaasi ka hadlay.

 

Agaasimaha Idaacadda Warsan ee Baydhabo ku taala C/fataax Ibraahim Geeseey oo wariyayaasha ku booqday xabsiga ay ku jiraan ayaa sheegay in seddexdaba la isugu geeyay qol yar oo aan u qalmin in dad intaas la eg lagu xiro, wuxuuna caddeeyay inay ciidamada Booliska u diideen in uu damiinto oo uu xiligii loo baahdo dib ugu soo celiyo gacanta Booliska.

 

C/fataax Geeseey waxaa uu intaas ku daray in Wariyayaasha laga soo qabtay iyaga gaari ku maraya Deegaanka Deynuunaay oo u dhaxeeya Magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-Hakaba, isla markaana laga qaaday dhamaan qalabkii ay ku shaqeynayeen oo ilaa iyo haatan gacanta ugu jira Saraakiisha Dembi baarista Dowladda Federaalka, kuwaasi oo daawaday sawirrada ku jira Kaamirooyinkii ay wateen, sidoo kalena dhegeysteen Cajaladaha Rikoorradii ay ku wax ku soo duubeen.

 

Agaasimaha Idaacadda Warsan wuxuu kaloo sheegay in aysan dowladda Federaalka kaliya tacadigaas u geysan Wariyayaasha balse xitaa ay Maxkamadaha ku xireen Magaalada Buur-Hakaba qadar 2 saacadood ah sabab la xiriirta in laga shakiyay howsha ay hayeen, wuxuuna labadaas falba ku tilmaamay kuwo lid ku ah howsha ay Wariyayaasha u hayaan Bulshada.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee dalka Soomaaliya oo xiligan ay ka jiraan labo awoodood oo baratamaya ayay wariyayaasha ku sugan dhibaato kala kulmaan ku dhex shaqeyntooda, waxaana mararka qaarkood dhacda in war aad tebisay aysan labada dhinaca ee is-haya isku si u arkin, iyadoo taasina ay keento in Wariyaha loo qaado cadaawad ku aadan in uu dhan u xagliyay, iyadoo warkiisana uu ahaa mid uu xaqiiq iyo xigashooyin u hayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).