Talaado, October 24, 2006(HOL): Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ah Gobolkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen Maxkmadaha Islaamka markii ay Muqdisho la wareegeen ayaa waxaa loo sameeyay maamul cusub kadib markii ay is-khilaafeen xubnaha maamulkii hore.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Jowhar u tegay si uu u soo xaliyo xurgufta soo kala dhexgashay xubnaha Maamulkii hore ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sameeyay maamul kale oo aan ahayn midkii hore, wuxuuna taasi ku macneeyay in loo baahan yahay maamul wax qabanaya.
Maamulka cusub ee loo sameeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa xubnihiisa ka mid ah
C/salaan Xasan Maxamuud Guddoomiye
Macalliin Xaashi Maxamed Faarax Guddoomiye ku xigeen
Maxamaed Cabdi Ibraahin Xoghaye
Xasan Maxamed Ibraahim Xoghayaha Maaliyadda
Shiikh Maxamed Cusmaan Xoghayaha Dacwada
Maxamuud Macallin Cabdi Arrimaha Bulshada
Xuseen Cusmaan Mahdi Arrimaha Garsoorka
Xasan Aadan Tooxow Ku xigeenka Maaliyadda
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay xafladdii looga dhawaaqay maamulkaas ayaa sheegay in maamulka cusub looga baahan yahay in ay la yimaadaan howlkarnimo, isla markaana uu caddaalad ku shaqeeyo.
Maamulkii hore oo ahaa mid KMG ah ayaa waxaa Guddoomiye u ahaa Shiikh Cusmaan Maxamed Maxamuud, waxaana tan iyo markii maamulkaas si KMG ah loogu magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe soo baxayay cabashooyin ka soo baxayay dadka Gobolka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Jowhar, kuwaasi oo sheegay in markii ugu horeysayba uu Maamulka ku soo rogay lacago canshuur ah oo ka badan midii dadka Gobolka ka qaadan jiray Maamulkii Maxamed Dheere.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia