Talaado, October 24, 2006(HOL): Boqolaal Qoys ayaa Salaadda Ciida ka hor Muqdisho loo qeybiyey lacago loogu talo galay Zakaatul fitriga oo ay ku deeqday Hay’adda Gargaarka Afrika, si ay ugu ciidaan Qoysaska ku dhibaateysan Xeryaha dadka soo barakacay ee Muqdisho.
Qeybinta lacagahan oo lagu qabtay Xafiiska Hay’adaasi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiskaasi, isla markaana gacantooda ku bixinayey lacagahaasi.
Mas’uul u hadlay hay’adda Gargaarka Afrika ayaa waxa uu sheegay in qorshaha qeybinta lacagahani ay u sameeyeen Barnaamij cad, iyadoo qoysaskan oo laga soo xulay Xeryaha dadka soo barakacay loo soo qeybiyey Kaararkii ay ku qaadan lahaayeen lacagaha Zakaatul fitiriga ah.
Faadumo Maadeey Aadan oo ka mid ah haweenkii guddoomay lacagahaasi ayaa si weyn ugu mahadcelisay Hay’ada Gargaarka Afrika, waxa ayna sheegtay in maanta oo ciid ah ay wax weyn u tareyso iyadoo xustay in ay sidoo kale u baahan yihiin kaalmooyin kuwaan ka badan kuwaasoo noloshooda wax u
Hay’adda Gargaarka Afrika oo xarunteeda ugu weyn ku taala Wadanka Ingiriiska ayaa waxay tan iyo bilowgii bisha Barakeysan ee Ramadaan barnaamijyo Afurin ah ay ka waday Qaar ka mid ah gobalada Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Jubbooyinka, Bay iyo Bakool, Gobalka Banaadir iyo Shabeelooyinka waxana la sheegay dhamaan gobaladaasi afur loogu sameeyey dakda ugu taagta daran.
Bixinta Deeqahan isugu jira Afurinta iyo Zakaatul Fitriga ayaa waxaa ku soo beegantay xili ay gobalada Dalka Somaaliya ay ku sii badanayaan dadka aan waxba heysan isla markaana ay ugu darsmeen Colaado Ragaadiyey, hase yeeshee Mas’uuliyiinta Hay’ada Gargaarka ayaa sheegay in fulinta Barnaamijyadan in ay saamaxday Xaalada amaan ee Deegaanada laga hirgaliyey.
Hay’adda Gargaarka Afrika ayaa waxa ay howshooda ugu balaaran tahay Samafalka bulshada, taageerada, dadka dhibaateysan iyo arimo kale mana ahan markii ugu horeysay ee ay kaalmooyin noocaan ah u qeybiso dadka soo barakacay ee ku nool gobollada Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia