Isniin, October 23, 2006(HOL): Waxaa maanta markii ugu horeysay si khilaaf la’aan ah looga ciiday Magaalada Muqdisho oo xiliyadii hore ay dhici jirtay in ay dadku labo maalmood kala ciidaan, waxayba taasi ku suurtagashay iyadoo dadku ay heleen cid ay wax ka maqlaan oo nidaamisa.
Kumaan kun oo dadweyne ah ayaa saakay Saaladda Ciidda Soonfur ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo tan iyo burburkii dalka ku dhacay aan lagu tukan, waxaana dadkaasi Tukashada Salaadda kala qeybqaatay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka oo ay ugu horeeyeen Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Dadku in ay hal maalin wada ciidaan khilaaf la’aan ayaa waxaa suurtageliyay Maxkamadaha Islaamka oo ka digay in la isku khilaafo tukashada Ciidda, waxayna si taasi loo baajiyo guddi u saareen xaqiijinta bilashda Bisha Soon-fur, kuwaasi oo xalay ku dhawaaqay in Bisha laga arkay degmooyin ka tirsan Gobollada Dalka.
Haddaba markii Salaadda Ciidda lagu tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka kadib ayaa waxaa dadkii halkaasi isugu tegay la hadlay Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee kala ah Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa kadib markii uu dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda waxaa uu ka hadlay xaaladda uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay, wuxuuna tilmaamay in dalka uu ku jiro xaalad Jihaad ah kadib markii ay ku soo gardarroodeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Itoobiya, sidaas darteedna wuxuu ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay naftooda iyo maalkooda u huraan sidii ay dalkooda iyo diintooda u difaacan lahaayeen.
Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in ay in muddo ah ku cel celinayeen in ay Dowladda Itoobiya faraha kala baxdo arrimaha dalka Soomaaliyeed balse ay taasi diiday, “Haddii ay wax naga maqli weysay Dowladda Itoobiya oo ay hadalkeena wax ku qaadan weysay, xooggeena ayaan isaga celineynaa, idinkana waxaa la idinka doonayaa in aad in keentaan Naftiina iyo Maalkiina”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo sheegay in ay jirto maahmaah Carbeed oo sheegeysa in cadawgaaga marka hore la siiyo wax macaan haddii uu macaankaas u dhedhemi waayana loogu bedelo dhimbilo dab ah.
Sidoo kale waxaa la hadlay Dadkii Salaadda Ciidda ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isna munaasabadda Ciidda aawgeed u hambalyeeyay Dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo uu ka codsaday in ay iska cafiyaan wixii kala gaaray.
Shiikh Shariif intaas kadib wuxuu khudbaddiisa ku soo qaatay xiisadaha dagaal ee ka jira meelo ka mid ah dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in deegaanada ay dagaallada ka jiraan ee dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah, “dagaalkii shalay Bu’aale ka dhacay waxaa ku jiray Ciidamo Itoobiyaan ah, Ciidamada hadda Buur-Hakaba ka cararayna waxaa ku jira kuwo Itoobiyaan ah, sidaas darteed waxaa muuqata in Dowladda Itoobiya ay dhibaato la dooneyso Dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Shiikh Shariif.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in Dadka Itoobiya dhamaantood aysan raali ka ahayn in Soomaaliya lagu gardarroodo balse waxa ujeedadaas wato ay yihiin Meles Zenawi iyo Tigreega uu ka dhashay oo wax yar ah, “Sida aan la wada soconno Dadka Itoobiya 75% waa dad dulman oo doonaya caddaalad nabad iyo xornimo, waxaana ku amar ku taagleeya in yar oo Tigree ah”ayuu yiri Shiikh Shariif oo wax laga yaaq-yaaqsoodo ku tilmaamay sida uu u fekerayo Meles Zenawi oo wax ku soo bartay sida uu u yiri lacagtii laga qaadi jiray Xaabadii ay Haweenka Soomaaliyeed dusha ku keeni jireen.
Shiikh Shariif waxaa uu intaas ku daray in dowladdo badan oo ay la saxan tahay faragelinta ay Soomaaliya ku heyso Dowladda Itoobiya ay yihiin kuwo dhibsanaya Muslinnimada Dadka Soomaaliyeed, “Umadda Soomaaliyeed weligeed ayay Muslim ahayd, ciddii Muslinnimada aan nahay nagu colaadineysana waa cadawgeena koowaad”ayuu yiri Shiikh Shariif.
Shiikh Shariif waxaa uu dhanka kale baaq u jeediyay Hoggaamiye Kooxeedyada ay soo adeegsaneyso, wuxuuna ugu yeeray in ay dadkooda dhinac ka raacaan, isla markaana ka qeybqaataan dib u dhiska dalkooda, “Nin doonaya in uu dalkaaga qabsado adiga muxuu kuu ogolaanayaa, waxba kuu ogolaan maayo, sharaf dhac ayayna idiin tahay in aad la soo safataan cadawgiina”ayuuna yiri Shiikh Shariif oo u xaqiijiyay Hoggaamiyayaashii Muqdisho isaga cararay in aan wax la yeeli doonin haddii ay soo laabanayaan.
Shiikh Shariif waxaa uu soo hadal qaaday qaladaad ay galaan Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo dadka ku sameeya falal xoriyad ka qaad ah oo aan loo baahneyn, “Waxaan munaasabadda uga faa’iideysanayaa oo aan rabaa in aan sheego in loo baahan yahay in lagu dhaqmo kala dambeyn iyo nidaam, ma ahan nin kasta oo qori heysta uu dadka garbaash iska dhaco, waxaa la rabaa in qofka haddii uu dembi galo la sugo inta ay maxkamad ka xukumeyso”ayuuna yiri Shiikh Shariif oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iyana ku dadaalaan sidii ay u xafidan lahaayeen Nabadda iyo Horumarka heystaan
Ugu dambeyntiina Dadkii Salaadda ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa markii ay Salaadda tukadeen waxay u kala dareereen guryahooda, waxaana xusid mudan in dadku ay si weyn u soo camireen Masjidka oo ay Gaadiid guruxsan u soo kaxeysteen, inkastoo Masjidka oo aan wax dayactir ah gelin muddo 10 sano ka badan uu haatan u baahan yahay dayactir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia