Axad, October 22, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in ay halkaasi ku dagaalameen Ciidamo u kala daacad ah Maxkamadaha Islaamka ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta Gobollada Jubbooyinka iyo Ciidamo kale oo iyana ka amar qaata Col. Barre Hiiraale oo ahaa Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba ee Kismaayo isaga cararay.
Ma cadda ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac oo indhawaalaba Aag isugu jiray, waxaana taasi ugu wacan iyadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay ka gaabsanayaan in ay ka hadlaan dagaalka u dhaxeeya, sidoo kalena waxaa xun Isgaarsiinta Degmada Bu’aale, waxayna taasi keentay in la ogaado khasaaraha dagaalkaas uu geystay.
Ciidamada Col. Barre Hiiraale oo muddooyinkan lagu diyaarinayay ayaa waxay doonayaan in ay dib u qabsadaan Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan degmada Kismaayo ee Dekedda leh, halka Ciidamada maxkamadahana ay doonayaan in ay sii adkeystaan gacan ku heynta gobollada Jubbooyinka.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa isaga baxay Magaalada Kismaayo kadib markii ay ciidamo badan oo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay u dhaqaaqeen dhinaca Gobollada Jubbooyinka, inkastoo qabsashada Magaalada Kismaayo ay Maxkamadaha Islaamka u sahleen xubno ka tirsanaa Isbaheysigii Dooxada Jubba oo ay dabcan ay Korneelku is-qabteen.
Dhanka kalena, wararka naga soo gaaraya Degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay saakay halkaas gaareen ciidamo ay hoggaaminayaan Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Xiis Cali Taar iyo Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay Muqdisho ka ceyriyeen maxkamadaha Islaamka. Labadan Sarkaal oo watay ilaa dhowr iyo toban gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa markii ay gaareen halkaas waxay kulamo la qaateen odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Degmada Cabuudwaaq, kuwaasi oo sida la sheegay ay kala hadleen ujeedada socdaalkooda. Lama oga halka ay ciidamadaas ku wajahan yihiin iyo inta ay Cabuudwaaq sii joogi doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia