Sabti, October 21, 2006(HOL): Iyadoo maalmo uun ay inaga xigaan waqtigii loo balan sanaan in mar kale laysugu tago wajigii sadaxaad shirka agaalada Khartuum ay ku lahaayeen Dowlada Federaalka iyo Midowga maxkamadaha, ayaa hadda waxaa soo Ifbaxaya saadaal u muuqata in shirkaasi hadiiba uu qabsoomo aan wax weyn oo guul ah laga gaari doonin.
Shakiga ugu weyn ee arintaas ku saabsan ayaa la oran karaa waa mid ka soo dhax muuqtay Qudbadii dhawaan uu ka jeediyay Madaxweynaha soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed kulankii magaalada Nairtobi ay ku la haayeen Kooxda loogu magac daray Xiriirka Soomaaliya oo uu madaxweynuhu ku sheegay in dhinacooda ay daneynayaan in shirka laga soo wareejiyo dhinaca Carabta laguna soo celiyo gacanta Urur gobaleedka IGAD.
Madaxwweynuhu waxaa kaloo uu sheegay in Maxkamaduhu yihiin Kooxo Argagiso oo kaliya, waxa loo abuuray ay tahay in ay qalqal galiyaan xasiloonida Gobalka oo dhan, isagoo intaas ku daray in Dowladiisu ay iska difaaci doontu wax uu ku tilmaamay daan daansiga kooxa uu ku sheegay in ay yihiin argagixisada.
Khudbadda madaxweynha oo si weyn u soo jiidatay dareenka Mas’uuliyiinta Maxkamadaha ayaa jawaabta durbadiiba ay ka bixiyeeen waxaa ay noqotay mid rajo xun iyo mugdi sii galisay in labada dhinac ay soo wada fariistaan gogoshii ka fidsaneyd magaalada Khartuum, gaar ahaan marka la eego dhinaca maxkamadaha oo iyagu u arka in dowladdu aysan daacad ka aheyn in wax laysku soo dhaweeyo.
Dad badan oo u kuurgala xaaladda hadda ka taagan dalka Soomaaliya ayaa waxay Su’aal weyn ka keeneen wax durbadiiba isku soo beegmay khudbada madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Itoobiya oo golahii Baarlamaanka u sheegay in ay la dagaalimi doonaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka abuurmay gudaha dalka Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa iyana xisaabta lagu darsan karaa gacan ka taagistii uu sameeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan oo Dowladda uga wakiil ahaa shirka Kharuum, isagoo sheegay in uu isaga baxay wada hadalladii dhanaca Maxkamadda. Arimahan oo dhan marka la eego ayaa Rajada laga qabi karo shirka Magaalada Khartuum waxaa ay tahay mid mugdiyeysan, oo haddana laga yaabo in ay eersato hal garab oo kaliya.
Gobalka Hiiraan oo Maalmihii aynu soo gudbnay ay ka taagnyed xiisad khatar ah ayaa ka mid ah meelaha Ifafaalaha colaadeed laga filan karo waxaan saacadihii aynu soo dhaafay soo gaar Gawaarida dagaalka kuwaadii ugu tirada badnaa tan iyo markii ay abuurmeen maxkamaduhu waxaana la xaqiijinayaa in gawaaridaasi yihiin kuwo loogu talagalay in ay xoojiaan ciidamada jooga dhinca xadka oo dhaq-dhaqaaq ballaarani ka jiro.
Dhaq-dhaqaaqyada jira oo ah kuwo inta badan dadku ay kuu sheegayaan in ay yihiin kuwo ku xiran hadba sida looga jimbo keeno shirka 30ka bisha la filayo in ay Khartoum ka furmo ayaa hadana waxaa ay yihiin kuwo sida Qodaxdii oo kale ku taagan shacabka soomaaliyeed oo mar kale filan kara in ay colaado lugaha la galaan, mar hadii dhinacyadii laga filayay in ay wax isku soo dhaweeyaan ay isku tuur tuurayaan hadallo howshii la waday ka dhigaya Hal bacaad lagu lisay, balse la arki doonee ugu dambeytii waxa soo baxa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia