Sabti, October 21, 2006(HOL): Sucaad Shiikh Cali iyo Xabiibo Maxamed oo ku kala nool Dalalka Mareykanka Ingiriiska ayaa waxaa ay kaalmo gargaar ah gaarsiiyeen dadka soo barakacay ee ku nool agagaarka degmada Afgooye, gaar ahaan halkii la oran jiray xerada Onod. Kaalmadani ayay labadaasi gabdhood ku soo hagaajiyeen wakiilka Somali Women and Children Rescue Organizion (SWCRO) ee Soomaaliya Yaasmiin Mayow Maxamed.
Kaalmadani maanta la gudoonsiiyey dadkani dhibaateysan ayaa ahayd mud farxad gelisey dadkii loo qeybiyay, waxayna dadkii soo gaarsiiyey u rajeeyeeyn in ilaahay ugu badalo xasanaad iyo dembi dhaaf. Madaxa xerada Onod Shariif Maxamed Cusmaan ayaa u sheegay wakiilka SWCRO in kaalmadani soo gaartey tahay kaalmadii ugu horeysay oo ay soo gaarsiiyaan dad Soomaliyeed waxaa uuna codsadey in ay dadka kale ku daydaan walaalahooda muslimiinta ah.
Sidoo kale Khadiijo Xaaji oo ka mid ah haweenka ku nool xerada Onod ee degmada Afgooye ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay kaalmada soo gaartay, isla markaana ay rajeyneyso inay ahaato kaalmadani mid intaas ka sii ballaarato.”waa bil barakeysan waana bil ay muslimiinta isku gargaaraan, annaga waxaan nahay dad Soomaliyeed oo dhakhaalahooda liito, isla markaana u baahan in walaalahooda Soomaliyeed ay gargaar u fidiyaan”ayay tiri Khadiijo Xaaji
“Hooyo iyo |Aabbe ma noo heli karaan cuno aan ku dheregno ee walaalayaal noo gargaara ilaahay ha idiin gargaaree” sidaasi waxaa yiri Cali Shariif oo ah wiil 8 jir ah.
Dadkaani soo barakacay ayaa markoodii hore waxay ka soo barakaceyn deegaano ka tirsan Gobollada Bay, Bakool iyo Diinsoor waxayna ka helaan nolol maalmeedkooda aseentooyinka beeraha, iyagoo maalintiiba hela lacag dhan 7000 Shilinka Soomaaliga ah taasoo aan dabooli karin baahidooda, waxayna tiro ahaan ka kooban yihiin 20 qoys oo dhamaan fiirsada wax ay ku soo helaan xoogooda.
Dadkaani waxay ka kooban yihiin Caruur, |Haween iyo Waayeel waxaa ka muuqda rafaad xagga nolosha iyo caafimaadka ah, waxay qabaan xanuunno u badan Malaariyada iyo Nafaqo darrada, maadaama ay ku nool yihiin dhul ku dhow Webiga, kaasi oo ay ka dhalato Kaneecada.
Wakiilka Somali Women and Children Rescue Organizion (SWCRO) Yaasmiin Mayow Maxamed oo dhanka kale ka tirsan Wariyayaasha Websiteka 4somaliwomen.com ayaa waxay sheegtay in ay horay kaalmooyin ka yimid Dad Soomaaliyeed oo dibadaha ku nool, isla markaana soo wakiishay ay ku qeybisay xeryo Qaxooti oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia