16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Golaha Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo sheegay in ay qalad ahayd sidii loola dhaqmay Jen. Cali Madoobe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 20, 2006(HOL): Golaha Aqoonyahannada iyo Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle oo shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa bayaan ay shirkoodaas ka soo saareen waxay ku sheegeen in lagu tacadiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe oo rag ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ay ku amreen in uu Baydhabo isaga baxo.

 

Afhayeenka Golaha Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle Fowsi C/nuur ayaa sheegay in ay xubnihii shirka isugu yimid ay wada guddoonsadeen in si aan wanaagsanyn loola dhaqmin Jen. Cali Madoobe, wuxuuna caddeeyay in ay sidoo kale isla garteen in haddii uu qalad galay ay ahayd in dowladda Federaalka loo daayo in ay baarto, kadibna go’aan ka soo saarto.

 

Afhayeenka waxaa uu sheegay in ay arrintan ka wada hadleen xubnaha Beelaha Digil iyo Mirifle ugu jira  Dowladda Federaalka, kuwaasi oo markii hore qaarkood qabeen in Jananka Baydhabo laga masaafuriyo, hayeeshee ay haatan la qaateen go’aanka ay soo saareen ee ah in arrinta Taliyaha Ciidamada Booliska loo daayo Dowladda Federaalka.

 

Xubnaha Shirka isugu yimid oo laga xusay Maxamed Mursal, Maxamed Cali  Kalaay iyo Cabdi Nuur Booda-Dheere ayaa ugu dambeyntii waxay sheegeen in la isku raacay in arrinta Jen. Cali Madoobe loo daayo Dowladda Federaalka oo horay guddi ugu saartay, kaasi oo baaris ku soo sameeya arrinta lagu eedeynayo Jen. Cali Madoobe ee ah in uu horaantii bishii hore Maleeshiyooyin ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle uu ku xasuuqay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).