16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Mareykanka oo Eretrea ku eedeeyay in ay hubeyneyso Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 20, 2006(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Dowladda Eritrea in ay hubeyneyso Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika Jendayi Frazer oo wariyayaal kula hadleysay magaalada Nairobi kadib markii ay ka soo baxday Shirkii Kooxda Xiriirka Soomaalida ayaa sheegtay in ay caddeyn aan mugdi ku jirin ay u hayaan in ay Dowladda Eritrea shixnado hub ah ku daldaleyso Maxkamdaha Islaamka.

 

Jendayi Frazer waxay intaas ku dartay in Eritrea  oo cadaawad kala dhaxeyso dowladda Itoobiya ay jiho kale ka soo weerareyso Itoobiya, isla markaana ay soo hubineyso Maxkamadaha Islaamka, sidoo kalena ay Dowladda Itoobiya iyadana waddo tallaabooyin ka dhan ah kuwa Eritrea ka waddo Soomaaliya, sidaas darteed waxay Jendayi Frazer ugu baaqday labada dowladood in ay dulqaad muujiyaan, isla markaana ay noqonin colaadda u dhaxeysa mid heer gobol isu bedesha.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo shalay ka hor hadlayay Baarlamaanka Dalkiisa ayaa walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada Maxkamadaha Islaamka ay wadaan, wuxuuna sheegay in Maxkamadaha oo kaashanaya mujaahidiin Anjabi ah oo ka kala yimid dalalka Indonesia, Pakistan iyo wadamo kale oo Carab ah ay ku sugan yihiin Xuduudka ay Soomaaliya la leeyihiin, wuxuuna sheegay in haddii ay dhacdo in ay u soo tallaabaan dhinca Itoobiya ay  tallaabo qaadi doonaan, inkastoo uu sheegay in aysan taasi ahayn in ay dagaal ku dhawaaqayaan.

 

Eritrea waxay xiriir la sameyneysaa cid kasta oo ay kaashan karto in ay wiiqdo”ayuu yiri Meles Zenawi oo sheegay in ay qaadayaan tallaabo kasta oo ay isku difaacayaan oo aan ka ahayn in ay xoog xal ku raadiyaan, isagoo caddeeyay in ay wada hadallo kula jiraan jabhadaha ku kacsan ee ONLF iyo OLF.

 

Dowladda Eritrea horay ayay u beenisay in ay hub siisay Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan dalka Soomaaliya, inkastoo Dowladaha Mareykanka, Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku adkeysanayaan in ay Erirea hub siiso Maxkamadaha Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).