16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dalbaday in wada hadallada Dowladda iyo Maxkamadaha lagu wareejiyo IGAD

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 20, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qeybgalay kulankii Nairobi ka dhacay ee ay soo qaban qaabisay Kooxda Xiriirka Soomaalida  ayaa mar uu Diblumaasiyiintii kulanka isugu tagtay la hadlayay waxaa uu  dalbaday in wada hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka laga wareejiyo gacanta Jaamacadda Carabta, isla markaana lagu wareejiyo Urur Goboleedka IGAD.

 

Madaxweynaha ayaa Jaamacadda Carabta ku eedeeyay in aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, isla markaana aysan Dowladdiisa kalsooni u heynin,  wuxuuna caddeeyay in haddii la yiraahdo wada hadallo ayaa Khartoum loo tegayaa, iyadoo ay shirka sii maamuleyso Jaamacadda Carabta ay taasi wada hadallada ka dhigeyso kuwo aan micno ku fadhiyin.

 

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ay wada hadallada u dhaxeeya Dowladda iyo Maxkamadaha ay khatar ku jiraan, isagoo taasina ku sababeeyay iyadoo ay Dowladda Federaalka dhumisay kalsoonidii ay u Jaamacadda Carabta u heysay.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo shirkaas ka qeybgalay ayaa isna sheegay in ka qeybgalka shirka Khartoum ee dowladda uu mugdi ku jiro tan iyo inta ay Maxkamadaha Islaamka dib uga laabanayaan meelihii ay qabsadeen wixii ka dambeeyay heshiiskii Khartoum.

 

Shuruudaha ad-adag ee ka soo yeeraya Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliyeed ayaa waxaa dhinacooda ka hadlay mas’uuliyiinta Maxkamadaha islaamka, wuxuuna Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu sheegay in shuruudda ay la timid dowladda Federaalka ay tahay mid carqalad gelineysa shirka Khartoum, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Shuruuddaas Dowladda Federaalka la wadaan Wadamo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD.

 

Sidoo kalena, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadaha Islaamka Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo daba socday hadalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in uusan madaxweynaha u hadlin sida qof mas’uul oo kale ah, wuxuuna caddeeyay in ay iyagu mar kasta diyaar u yihiin wada hadallada.

Gunaanadka shirkii shalay lagu qabtay Magaalada Nairobi ayaa war-murtiyeed laga soo saaray waxaa lagu sheegay in Kooxda shirka agaasintay ee la baxay Kooxda Xiriirka Soomaalida ay taageerayaan in wada hadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ay wada guddoomiyaan Jaamacadda Carabta iyo IGAD.

 

Kooxda Xiriirka Soomaalida oo isugu jirta Wadamo Reer Galbeed ah iyo kuwo Afrikaan ah ayaa shirka la isugu keenay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka uga gol lahayd in la badbaadiyo wada hadallada Khartoum ee u socday Dowladda iyo Maxkamdaha Islaamka, wuxuuna qabashada shirkan ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ay ka dhex oogantay xiisad haddii aan xal loo helin isu bedeli karta gacan ka hadal.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).