16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo u digay xubno ka tirsanaa Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada oo Muqdisho dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, October 19, 2006(HOL): Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudeey ayaa sheegay in ay magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen xubno gacan yarayaal u ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ku bahoobay Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada ee Muqdisho isaga cararay.

 

Shiikh C/raxiin oo ka gaabsaday in uu magacaabo ragga uu sheegay in dhaqdhaqaaqyada bilaabeen ayaa ku goodiyay in ay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay raggaasi joojin waayaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan, “Raggaas horay ayaa loo cafiyay, waana la soo dhaweeyay balse haddii ay haatan dib ugu noqdaan falalkoodii hore lama cafin doono waxaana lagu qaadi doonaa dembiyadii ay horay u galeen”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudeey.

 

Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka waxaa uu ugu baaqay xubnihii Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada inay dadkooda dhinac ka raacaan, isla markaana ay ka qeybqaataan soo celinta ammaanka iyo  dib u dhiska dalkooda, “Haddii ay doonaan waxay geli karaan ganacsi, haddii ay doonaana waxay sameysan karaan mehrado kale, marka waxaan leenahay iska daaya waxyaabaha aan faa’iidada idinkugu jirin ee ka soo horjeeda danaha shacabka”ayuuna yiri Shiikh C/raxiin.

 

Hoggaamiye Kooxeedyadii ku bahoobay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada ee Muqdisho isaga cararay ayaa qaarkood waxay ku sugan yihiin dalal ka tirsan Afrika iyo Asia, halka kuwo kalena la soo sheegayo gudaha Itoobiya, halkaasi oo ay ka soo qaabeynayaan weerarro ay ku soo qaadaan deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka oo ku sii fidaya Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).