16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Diblumaasiyiin iyo Khubarro Reer Galbeed ah oo ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay ka qeybgalaan Shirka Khartoum

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 18, 2006(HOL): Diblumaasiyiin iyo Khubarro Reer Galbeed ah oo Arrimha Soomaaliya wax laga warsado ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay ka qeybgalaan wejiga seddexaad ee shirka Khartoum oo loo ballansan yahay 30-ka bishan Oktoobar.

 

Baaqa ay diblumaasiyiintan dirayaan ayaa wuxuu yimid kadib markii ay soo baxday cabsi ku saabsan in ay dagaallo dhexmaraan Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, taasi oo ka dhalatay ciidamo ka amar qaata Dowladda oo tegay todobaadkii hore magaalada Buur-Hakaba ee gobolka Bay, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Maleeshiyooyin deegaanka ah oo taageersan Maxkamadaha Islaamka.

 

Sidoo kalena wuxuu baaqa Diblumaasiyiintan ku soo beegmayaa iyadoo  uu guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo hoggaaminayay Ergadii Dowladda ee ka qeybgashay shirkii Khartoum ee ugu dambeeyay uu sheegay in uu faraha ka laabtay arrimaha wada hadallada Dowladda iyo Maxkamadaha, iyadoo sababta uu  Guddoomiyaha Baarlamaanka go’aankaas u qaatay ay Xildhibaano ku dhow dhow ku sheegeen in ay is-khilaafeen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo sida ay yiraahdeen qoraal uu u diray beesha Caalamka ku sheegay in aanu Guddoomiye Shariif Xasan wakiil uga ahayn Dowladda Federaalka wada hadallada socda, inkastoo aan ilaa iyo haatan wax war ah oo arrimahan ku saabsan aan laga heynin Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaare Geedi.

 

Matt Bryden oo ka mid ah Khubarrada wax laga warsado Arrimaha Soomaaliya, isla markaana ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah ee ka hortagga Xasaradaha (ICG) ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dowladda Itoobiya ay Maxkamadaha Islaamka ku eedeeyaan in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda, taasina ay Maxkamadaha ku xambaartay in ay sii wadaan ku sii fiditaanka Dalka Soomaaliya.

 

“Maxkamadaha Islaamku waxay ku sii fidiyaan dalka Soomaaliya, iyagoo ka jawaabaya ciidamada ay Itoobiya u soo direyso Soomaaliya. Waxaa muuqata khatar dhab ah inta ay ciidamada labada dhinac isku sii dhawaanayaan, waxaana ka dhex dhici kara iska hor imaad mustaqbalka dhow”ayuu yiri Matt Bryden oo sheegay in waxa kaliya ee lagu joojin karo iska hor imaad dhaca ay yihiin iyadoo Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamku ay ka qeybgalaan wada hadallada ay Jaamacadda Carabta soo qaabeysay ee loo ballansan yahay in Khartoum ka dhacaan.

 

Diblumaasiyiinta baaqa u diray Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa ka mid ah Danjiraha Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Signore Mario Raffaelli oo sheegay in hoggaamiyayaasha mayalka adag ee maxkamadaha Islaamka ku dhex jira ay yihiin kuwo khatar u arka weeraro uga yimaada dhinaca Itoobiya, waana sababtaas ayuu yiri tan ay Ciidamadooda ugu sii fidinayaan dalka Soomaaliya.

 

“Caddeynta ugu weyn ee ay heystaan Hoggaamiyayaasha Mayalka adag ee Maxkamadaha Islaamka ku dhex jira waa in ay ka baqanayaan weeraro uga yimaada Ciidamo Shisheeye, gaar ahaan Itoobiya”ayuu yiri Mario Raffaelli oo sheegay in loo baahan yahay wada hadallo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo lagu sii xoojinayo Ajendayaasha Shirka Khartoum.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).