16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka wada hadlay xaaladda Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 18, 2006(HOL): Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ay ka wada hadleen xaaladda Dalka Soomaaliya.

 

Sida lagu shaaciyay Website-ka Dowladda Itoobiya ee Walta labada mas’uul ayaa waxay si gaar ah uga niqaasheen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya ku soo kordhay, gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada ay Maxkamadaha Islaamka ka wadaan deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa u xaqiijiyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in aysan dowladdiisu waxba ka hagran doonin haddii ay weerar uga yimaadaan Maxkamadaha Islaamka. Dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer waxay walaac ka muujisay ku sii fiditaanka Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna Meles Zenawi sheegay in Maxkamadaha Isalamka oo qabsada dhul weyn oo dalka Soomaaliya ka mid ah ay taasi halis u keeni karto sida uu yiri Nabadda ka jirta Itoobiya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Sabtidii dhaweyd wuxuu si deg deg ah ugu amba baxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo diyaar khaas ah ay ka qaaday Magaalada Baydhabo oo ay xiligaas ka socotay xaflad loogu dabaal degayay xuska sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf loo caleemo saaray madaxweynenimada Soomaalida muddo shan sano ah oo haatan ay seddex sano uga harsan tahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).