16.8 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Qaar ka mid ah Ciidamadii Col. Barre Hiiraale iyo Tikniko ay wataan oo Maxkamadaha Islaamka isu dhiibay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 18, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ciidamadii Col. Barre Hiiraale oo gaadiid dagaal wata ay isu dhiibeen Maxkamadaha Islaamka ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo.

 

Ciidamadan oo tiradoodu ay boqol nin ku dhowdahay iyo gaadiidka dagaalka ee ay wataan ayaa waxaa hoggaaminayay sarkaal dhinaca Ciidamada u qaabilsanaa Col. Barre Hiiraale, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Aar Fanax.

 

Taliyahan oo wax laga weydiiyay sababta ay isugu dhiibeen Maxkamadaha ayaa sheegay in ay doonayaan in ay Maxkamadaha la shaqeeyaan, isla markaana ay ka gudbaan nidaamkii Qabiilka, naftooda iyo dadkoodana ay wax taraan.

 

Ciidamadan isu dhiibay Maxkamadaha ayaa lagu biirinayaa ciidamo kale oo horay uga tirsanaa Isbaheysigii Dooxada Jubba, kuwaasi oo ay u socoto dhaqancelin ay ku wadaan Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

 

Ciidamadan u soo xarooday Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay ku soo beegmeysaa soo xarooshadooda iyadoo uu Col. Barre Hiiraale uu qorsheynayo weerar uu Magaalada Kismaayo ku qaado si uu dib ugu qabsado, inkastoo Ciidamada Maxkamadahana ay arrintaas ka warqabaan, isla markaana ay difaac kaga jiraan.

 

Dhanka kalena, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxmaan Maxamuud Faarax Jinaqow ayaa ugu baaqay Col. Barre Hiiraale in uu joojiyo abaabullada dagaal ee uu wado, isla markaana uu la mid noqdo raggii Isbaheysiga Dooxada Jubba kula jiray ee Maxkamadaha Islaamka wada hadallada la gaaray.

 

“Barre waxaanu kula talinaynaa in uu joojiyo colaada uu hurinayo,kuna daydo ragii ay iskula jireen maamulkii dooxada Jubba ee heshiiska la gaaray golaha maxkamadaha islaamiga,waxaana u sheegaynaa cuqaasha iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay in ay gacmaha ka qabtaan dadka lagu marin habaabinayo waxyaabaha aan jirin” ayuu yiri Sheekh Janaqow oo waraysi gaar ah siiyay mid ka mid ah idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).