Talaado, October 17, 2006(HOL): Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka iyo saraakiil ka socotay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xalay waxay kulan ku qaateen Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasina uu ahaa mid ay labada dhinac uga hadlayeen sidii Ciidamada Itoobiya looga difaaci lahaa dalka Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay Hotelka Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhinaca Maxkamadaha uga qeybgalay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Madaxa Ammaanka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, halka ay dhinaca Saraakiisha Ciidamadana ka qeybgaleen Saraakiil uu ka mid ahaa Col. Xaashi Xasan Warsame Food-Cadde.
Shiikh Yuusuf Indha Cade oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa mid ay uga wada hadlayeen xaaladda uu dalka ku sugan yahay, gaar ahaana Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay kulankooda ka soo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen In Ciidamada Qalabka Sida, Dadka Soomaaliyeed, Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta Maxkamadaha in ay ka qeybqaataan difaacdaan Diintooda, Dalkooda iyo Dadkooda, sidoo kalena wuxuu sheegay in ay isku af-garteen in Caalamka loo sheego in Itoobiya ay weerar ku soo qaaday Dalka Soomaaliya oo xor ah, sidaas darteedna caalamka looga baahan yahay in ay ka dhaadhiciyaan in ay Itoobiya Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
Col. Xaashi Xasan Warsame Foodcadde oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in haddii ay yihiin Saraakiishii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeybqaataan difaaca Diinta, Dalka iyo Dadka sidii ay horayba ugu difaaci jireen, wuxuuna intaas kadib eedeyn u jeediyay Dowladda Itoobiya oo uu sheegay in ay dooneyso in ay Soomaaliya sii kala qeyb-qeybiso, “Dhul ay qabsato oo ay ka goosato Soomaaliya waxaa ugu dambeeyay Killinka Shanaad ee Soomaalida, haatana waxay dooneysaa in ay inta kale ka dhigto maamullo kala go’an”ayuu yiri Col. Xaasho Food-Cadde.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiya ayaa inta la xusuusan yahay waxaa dhexmaray labo dagaal oo xooggan, kuwaasi oo dhacay sanadihii 1964-kii iyo 1977-kii, waxaana sida ay sheegayaan Saraakiisha Soomaaliyeed dagaalkaas ku jabay Ciidamada Itoobiya, weliba waxay mar Ciidamada Soomaaliyeed ku sigteen in ay qabsadaan Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, inkastoo xiligaas ay dalka Soomaaliya ka jirtay Dowlad awood leh oo tayeyneysay Ciidamada Dalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia