14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Waaxda Warfaafinta Golaha Maxaakiimta iyo Hay’adaha Warbaahinta oo ka wada hadlay go’aanno Maxkamadaha ka soo baxay oo Saxaafadda lagu xakameynayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 16, 2006(HOL): Waaxda dacwada iyo warfaafinta golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed iyo wakiilo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay xarunta golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay in muddo la siiyo bahda saxaafada si ay u turxaan bixiyaan 13 qodob oo dhawaan waaxda warfaafinta golaha maxkamadaha islaamiga ay u soo bandhigtay hay’adaha warbaahinta.

Sheekh C/raxiim Cali Muudey oo ah Madaxa Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka oo shir jaraa’id si wada jir ah ay u qabteen isaga iyo C/qaadir Walaayo oo ay wakiisheen ha’yadaha warbaahinta ayaa sheegay in ay aqbaleen codsi ay u soo gudbiyeen wakiilada hay’adaha warbaahinta Soomaaliyeed oo la xiriirtay in ay ka soo tashadaan 13kaasi qodob ee ka soo baxay golaha maxkamadaha islaamiga oo loogu tala galay in ay talo ka dhiibtaan masuuliyiinta warbaahinta.

“Waan aqbalnay in hay’adaha warbaahinta aan fursad u siino in ay ka soo tashadaan 13kaasi qodob,kana soo tala bixiyaan mana noqon doonto go’aankii ugu danbeeyay,waxaan horgeyn doonaa golaha fulinta kadibna waxaa loo gudbin doonaa golaha shuurada” ayuu yiri Sheekh C/raxiim Cali Muudey oo beeniyay eedeymo ka soo yeeray ururka saxafiyiinta aan xuduuda lahayn ee fadhigiisu yahay magaalada Paris.

C/qaadir Walaayo oo isagana u hadlay wakiiladii ka socday hay’adaha kala duwan ee warbaahinta ayaa uga mahad celiyay sidii wacneyd oo ay uga tala geliyeen nidaamka lagu dhaqayo hay’adaha warbaahinta ee ka hawl gala dalka Soomaaliya,isagoo raali gelin ka bixiyay eedeymo qaldan oo ka soo yeeray ururka wariyayaasha aan xuduuda lahayn,isagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in iclaamka aan laga qaadin xoriyada.

C/qaadir Walaayo ayaa intaas ku daray in ay ka go’an tahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen cid kasto oo ka shaqeynaysa in shacabka Soomaaliyeed laga saaro dhibaatada uu ku jiro,waxa uuna tilmaamay in ay ka soo tashan doonaan tala bixinta laga codsaday,waxa uuna sheegay in ay jiri doonaan shuruuc lagu dhaqayo saxaafada oo laga qeyb geli doono waaxda warfaafinta golaha maxkamadaha islaamiga iyo hay’adaha warbaahinta si dhabaha toosan loogu hago warbaahinta.

Wakiilladii ka socday hay’adaha warbaahinta ayaa ku ballamay in ay kulan isugu yimaadaan maalinta Talaadada ah 2:00 duhurnimo,kaasoo ka dhici doona hotelka Nabada ee magaalada Muqdisho,waxaana kulankaasi looga hadli doono talada hay’adaha warbaahinta ay ka bixinayaan 13kaasi qodob oo ay soo bandhigeen golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).