14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo qorsheynaya in ay bilaabaan howlgallo ay hubka ku uruurinayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 16, 2006(HOL): Sarkaalka Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Ammaanka gudaha  C/llaahi Macallin Cali (Abuu Cuteyba) ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Reuters waxaa uu ku sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo ay hubka uga uruurinayaan dadka caadiga ah iyo Hay’adaha, wuxuuna caddeeyay in ay hubka guryaha iyagoo albaab-albaab u tegaya.

 

“Qorshahaas aan hubka uga dhigeyno dadka Muqdisho iyo dalka intiisa kale waa uu socdaa, waana bilaabi doonnaa haddii alle idmo”ayuu yiri Abuu Cuteyba oo intii uusan maxkamadaha Islaamka ku soo biirin ka hor ahaa Nin ganacsade ah oo nolol maalmeedkiisa ka raadsada mehradda ganacsi ee uu heysto, hayeeshee wuxuu si weyn Maxkamadaha uga soo dhex muuqday kadib markii ay maxkamadaha Islaamka la wareegeen fariisinkii Maxamed Qanyare Afrax ee Dayniile, halkaasi oo maxkamad Islaami ah oo looga dhawaaqay uu mas’uuliyiinteeda ka mid noqday.

 

Abuu Cuteyba waxaa uu sheegay in howlgalka hub uruurinta ah ee ay sameynayaan ay ula jeedaan in ammaanka lagu sugo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay howlgalkaas u wadi doonaan si degan oo weji-weji ah. Abuu Cuteyba waxaa uu intaas ku daray in ay haatan wada hadallo kula jiraan ganacsatada hubka ku iibisa Suuqa Cir Toogte, kuwaasi oo ay ka dhaadhicinayaan sidii hubka ay hayaan loola socon lahaa, isla markaana loo diiwaangelin lahaa.

 

C/llaahi Macallin Cali (Abuu Cuteyba) oo ka hadlay labo nin oo dhawaan meel fagaare ah lagu dilay kadib markii ay si gardarro ah u dileen rag kale ayaa wuxuu sheegay in xukunnada ay fuliyeen ay ahaayeen  kuwo ay diinta Islaamka fareyso, kuwaasi oo haddii lagu dhaqmo ay dadka nolol u tahay, isla markaana ay kala nabadgelayaan.

 

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Jihaad ka dhan ah Ciidamada Itoobiya oo ay Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha ay ku dhawaaqeen Isniintii dhaweyd, wuxuuna sheegay in ku dhawaaqista Jihaadka ay timid kadib markii ay Ciidamo Itoobiyaan ah qabsadeen Degmada Buur-Hakaba, wuxuuna meesha ka saaray warar ay dhowr sii daayay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo sheegayay in aaney ciidamo ka joogin Soomaaliya, “Ciidamada Itoobiyaanku waxay joogaan Baydhabo, Waajid iyo Baardheere”ayuu yiri Abuu Cuteyba oo intaas ku daray in deegaanada ay ka taliyaan aysan joogin Ciidamo Itoobiyaan ah, balse sida uu hadalka u dhigay ay jiraan dad jaajuusiin ah, kuwaasi oo ay qab qabteen, isla markaana ay weli ku sii daba jiraan.

 

“Waxaan u sheegeynaa beesha Caalamka in aan heysanno nabad, sidaas darteed ha naga joojiyaan tallaabooyinka nabadda aan heysanno wiiqi kara”ayuu yiri Abuu Cuteyba oo ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo wadamo kale oo uusan sheegin in ay faragelinta ka daayaan dalka Soomaaliya, “waan awoodnaa in aaan carqaladeyno nabadda Itoobiya ka jirta, sidaas darteed ha naga daayaan faragelinta ay nagu hayaan haddii kale waan u laba laabi doonnaa wax kasta oo ay nagu sameeyaan”ayuu yiri Sarkaalka Ammaanka gudaha u qaabilsan Maxkamadaha Islaamka C/llaahi Macallin Cali Abuu Cuteyba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).