14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo Maleeshiyooyin ka amar qaata Aadan Saransoor ay Baydhabo ku hareereeyeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, October 16, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in Hoyga  uu magaaladaas ka degan yahay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) ay isku gadaameen maleeshiyooyin ka amar qaata Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo iyagu awood xooggan ku leh Magaalada Baydhabo.

 

Taliyaha oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa isla markiiba waxaa weerar ku qaaday maleeshiyooyinkan oo la sheegay in ay ka careysan yihiin maleeshiyooyin ku heyb ah oo ay Ciidamada Booliska ku xasuuqeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, kuwaasi oo la sheegay in ay Dowladda Federaalka meesha ku ogeyd, walow hadana Saraakiil ku dhow dhow Jen. Cali Madoobe ay sheegeen in maleeshiyooyinka garoonka ku sugnaa ay ahaayeen kuwo lacag baad ah ka qaata dadka ka soo degaya ama ka duulaya garoonkaas, xitaa haddii ay yihiin xubno ka tirsan dowladda.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in xiisadda oo cirka isku shareeri gaartay ay xalay ku baxeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bay oo laga xusay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ninka lagu magacaabo Shiine Macallin Nuuroow, kuwaasi oo kala qaaday ciidamadii labada dhinac oo qarka u saarnaa in ay isku dhacaan, walow la sheegayo in maleeshiyooyinka Aadan Saransoor oo diidanaa soo laabashada Jananka lagu qanciyay in uu Jen. Cali Madoobe Baydhabo isaga baxayo muddo 24 saac gudahood ah.

 

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa horay ugu eedeeyay Jen. Cali Madoobe in uu xasuuq bareer ah u geystay Maleeshiyooyin ku sugnaa garoonka diyaaradaha Baydhabo, kuwaasi oo uu ku dooday in ay Dowladda Federaalka ogeyd markii garoonka la geynayay. Dilka 7 maleeshiyo ah ayaa loo heystaa Jen. Cali Madoobe oo markii uu falkaas dhacay Nairobi iska aaday, shalayna dib ugu soo laabtay Baydhabo iyadoo aan xal laga gaarin dilka loo geystay maleeshiyooyinkaas ay dadkooda martida u tahay Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).