Axad, Sunday, October 15, 2006(HOL): Mas’uuliyiinta Makamadda Islaamiga Gobalka Hiiraan oo meel fagaaro ah kala hadlay dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay Jihaad lala galo wax ay ku tlmaameen Cadowga Diinta Islaamka oo ay ula jeedaan Dowladda Itoobiya.
ku dhawaaqista Jihaadka oo ah mid Runtii dadka ku dhaqan gobalka ay si weyn u hadal hayaan ayay mas’uuliyiintu ku tilmaameen in uu yahay mid cid kasta oo muslim ah looga baahan yahay gaar ahaan waxaa ay ugu baaqeen dadka shacabka ah in ay ku soo biiraan dagaalka lala galayo dowladda Itoobiya, waxaana ay intaas ku dareen in la diyaariyay goobo dadka laga diiwaan galinayo, gaar ahaan inta jecel in ay ka qeyb-qaataan weerar sida ay hadalka u dhigeen saacadaha soo socda laga yaabo in ay soo qaadaan Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo sida ay hadlka u dhigeen dad Soomaali ah oo ka soo horjeeda ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Shiikh Faarax Macalin Max’uud oo ka hadlayay Isku soo baxa ayaa sheegay in xiligan dalku uu galay Marxalad culus la doonayo ayuu yiri in dhowr goobood cadawgu sida uu hadalka u dhigay laga soo weeraro, Shiikh Faarax waxaa uu intaas ku daray in wax lala yaabo ay tahay in ay jiraan dad Soomaali ah oo soo horkacaya sida uu sheegay ciidamo sida ay hadalka u dhigeen (Tigree ah) isagoo intaas raaciyay in dadkaasi Soomaalida ah uu u sheegayo in ay dalkooda ku soo laabtaan iyadoo la cafinayo ayuu yiri.
Isku soo baxa oo ahaa mid ka duwan kuwii hore isla markaana Mas’uuliyiinta Maxkamaddu ay u muuqdeen kuwo dagaal diyaar u ah, kuna labisan dharka Tuutaha ah garbahana ku sita Qoriga AK 47, ayaa dadkii ka soo qeyb-galay waxaa ay ahaayeen kuwo qaarkood si weyn ula dhacsan hadalka mas’uuliyiinta, halka kuwa kalana ay wax iska weydiinayeen waxa xiligan ku soo beegay jihaad la golo.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq-dhaqaaq ciidan oo aad u xoog badan waxaa uu ka taagnaa dhinaca xuduudda dowlada Itoobiya iyadoo la sheegay in ay soo buuxiyeen Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwo Soomaali ah, waxaana dadka intiisa badan su’aal iska weydiinayaan waxa ka soo bixi doona Jihaadka maxkmaddu ku baaqday iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka dhanka ah Maxkamadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia