14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Wakiilka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya oo sheegay in aan la saadaalin karin Xaaladda ku soo korortay Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, Sunday, October 15, 2006(HOL): Danjire Bethiel A. Kiplagat oo ah ergayga Urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda ka soo cusboonaatay Dalka Soomaaliya ay tahay mid cabsi leh , isla markaana aan la saadaalin karin saameynta ay ku yeelan karto dalalka deriska la ah.

 

Danjire Kiplagat oo Sabtidii ka hadlayay magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale sheegay in kala qeybsanaanta Beesha Caalamka ee qorshihii ay soo jeediyeen dalalka IGAD ay tahay mid aan loo baahneyn, isagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la qaado xayiraadda hubka ee saarneyd Soomaaliya.

 

Ergayga IGAD ee Arrimaha Soomaaliya waxaa kale oo uu sheegay in ka sokow taageerada ay IGAD siisay dadaalka dib u heshiisiineed ee ay waddo Jaamacadda Carabta ay misana qasab tahay in la adeeco go’aannadii ka soo baxay IGAD iyo Midowga Afrika ee ku saabsanaa sidii loo badbaadin lahaa Dowladda Federaalka.

 

Danjire Kiplagat waxaa uu ku baaqay in si loo helo nabad ka dhalata Soomaaliya ay lagama maarmaan tahay in ay ka wada qeyb qaataan Qabaa’illada iyo Kooxaha hubeysan sidii loo soo celin lahaa nabad iyo kala dambeyn ka dhalata geyiga Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).