Axad, Sunday, October 15, 2006(HOL): Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta ayaa la soo weriyay in ay magaalada Nairobi iskula af-garteen in la xoojiyo heshiiskii ay labada dhinac ku gaareen Magaalada Khartoum, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in la is-dhaafsado guddiyo soo kala booqda Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaasi oo dabagal ku sameynaya fulinta heshiiska oo ay sidoo kale ku jirtay in la isku daro ciidamada labada dhinac.
Xubnaha labada dhinac ee ku kulmay Magaalada Nairobi ayaa haatan isku afgartay in 26 bishan ay wafdi ka socda Maxkamadaha Islaamka ay Baydhabo tagaan, iyadoo aan waqti loo qaban Xubnaha Dowladda ee Muqdisho imaanaya, inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in aanba loo baahneyn oo ay haatan Muqdisho ku sugan yihiin Xildhibaano badan oo kulan la yeeshay Golaha Maxkamadaha Islaamiga.
Shirka ay xubnaha ay dowlada iyo Maxkamadaha Islaamiga ku yeesheen magaalada Nairobi oo la sheegay in ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta ayaa waxaa dhinaca Golaha Maxaakiimta uga qeybgalay Daahir Maxamuud Geelle iyo Axmed C/llaahi, halka ay dhinaca Dowladda uga qeybgaleen C/raxmaan Ibbi iyo Mustaf Dhuxulow.
Dhanka kalena, Mas’uuliyiinta Golaha Maxkamadaha Islaamiga ayaa haatan u muuqda kuwo ku kala qeybsan in duullaan lagu qaado Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dowladda Federaalka iyo in laga war sugo natiijada heshiiska labada dhinac ay ku gaareen Magaalada Khartoum.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Golaha Maxaakiimta Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa sheegay in aaney wax isweydiin ah imaan doonin marka ay dadweynaha reer Baydhabo ka soo dalbadaan Maxkamadaha in loo soo gurmado, haseyeeshee aysan iyagu duulaan toos ah ugu bareeri doonin, “Annaga meeshii gurmad iyo mucaawino nagala soo weydiisto diyaar ayaan u nahay, taasina ma ahan daandaansi dagaal oo aan meel ku tagnay”ayuu yiri, Prof. Caddow, halka uu Shiikh Xasan Daahir Aweys u sheegay Wargeyska Sharqul Awsat in aaney marna tegi doonin Baydhabo, xitaa haddii laga soo codsado in ay u yimaadaan Maxkamadaha, “Waxaan u deyneynaa Dowladda Federaalka oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay, Innaga oo ku ixtiraameyna heshiiskii Khartoum”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia