14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Xaflad lagu xusayo caleemo saarkiisa Baydhabo loogu sameynayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, October 14, 2006(HOL): Xaflad lagu caleemo saarayo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta gelinka dambe lagu wadaa in ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, waxaana xafladdaasi lagu weyneynayaa sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay markii madaxweyne C/llaahi Yuusuf loo caleemo saaray madaxweynenimada Soomaaliya muddo shan sano ah.

 

Qaban qaabada xafladdaas ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo maamulka Gobolka Banaadir, waxaana lagu wadaa munaasabaddan oo ka dhici doonta madaxtooyada Baydhabo in ay ka qeybgalaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, mas’uuliyiin ka socota maamulka gobolka Bay iyo marti sharaf kale.

 

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xafladda lagu xusayo sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay caleemo saarkiisa uu ka qudbadeeyo, isla markaana uu ku soo hadal qaado caqabadaha ku hor gudban dowladdiisa ee u diidaya in ay sidii laga rabay u shaqeyso, sidoo kalena waxaa la filayaa in uu ka hadlo qaraxii dhawaan lala beegsaday ee uu sida dirqiga ah kaga badbaaday.

 

14-kii Oktoobar 2004 maanta oo kale ayaa xaflad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee magaalada Nairobi loogu caleemo saaray Col. C/llaahi Yuusuf Axmed madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo ay xafladdaasi oo loogu riday 21 madfac ay ka qeybgaleen madaxweynayaal oo ka socday Qaaradda Afrika iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka. Xuska sanadguuradii koowaad wuxuu madaxweynaha ku qaatay magaalada Jowhar, xili ay kala qeybsaneyd dowladda Federaalka oo ay kala joogtay Muqdisho iyo Jowhar.

 

Dowladda Federaalka ayaa shantii sano ee la soo doortay waxaa uga dhamaatay labo sano, iyadoo aan ka howlgelin caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna labaas sano 18 bilood oo ka mid ah ay xubnaheeda  ku kala qaadateen magaalooyinka Jowhar, Muqdisho  iyo Baydhabo, tiiyoo ay xusid mudan tahay in gacan ku henta dalka Soomaaliya ay la sii wareegayaan Maxkamadaha Islaamka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa habeenkii loo doortay Madaxweynenimada waxaa uu sheegay in haddii ay dowladdiisa ay shaqeyn weydo uu xilka iska wareejin doono,  hayeeshee waxaad mooddaa in uu madaxweynaha uu indhaha ka qabsanayo waxqabad la’aanta la soo deristay dowladdiisa oo muddo labo sano ah ay waxqabad la’aan uga baxday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).