Sabti, October 14, 2006(HOL): Suuqyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa beryahaan waxay ku jiraan mashquul aad u ballaaran, kaasi oo yimid kadib markii ay ku soo xoomeen dadweyne aad u faro badan oo u darbanaya Ciidda Soon-fur ee foodda nagu soo heysa.
Dadkaasi ayaa waxay u kala jiraan kuwo naftooda u adeeganaya iyo kuwo caruurtooda Suuqa u soo kaxeeyay, si ay ugu iibiyaan dharkii iyo waxyaabihii kale ee ay ku ciideysan lahaayeen.
Suuqyada aadka u mashquulka ah waxaa ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo Suuqa kale ee Suuq Bacaad, waxaana marka aad booqato aad ku arkeysaa dad ka badan kuwii horay u tegi jiray Suuqyadaas ka hor dabayaaqada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Dadka isugu soo baxay Suuqyada Muqdisho ee u sii diyaargaroobaya Ciidda Soon-fur waxay u kala jiraan seddex dabaqadood oo kala ah dabaqadda sare oo iyagu ka adeegta Carwooyinka lagu iibiyo dharka iyo kabaha qaaliga ah, waxaa ku soo xigta dabaqadda labaad oo ah dadka ka adeegta Dukaamada iska caadiga ah ee Suuqyada bartankooda ku yaala iyo dabaqadda ugu hooseysa oo ah kuwo ka soo iibsada dharkooda Ciidda halka loo yaqaano Cago-bararka oo ah meel lagu iibiyo dharka Hoodheeyda loo yaqaano (Who Died Clothes), inkastoo ay jiraan dad kale oo aaney iyagu duruuftu u saamixin in ay tagaan Suuqyada, isla markaana go’aansaday in ay isaga Ciidaan dhar horay ugu yiilay oo intey dhaqdeen Armaajada ugu jira.
Sidoo kale meelaha mashquulka ah ee ay dadku isku garbinayaan waxaa ka mid ah goobaha lagu kariyo Xalwada, isla markaana lagu dubo Buskudka iyo Doolshada, kuwaasi oo aad arkeyso iyadoo ay ku xoonsan yihiin dad isugu jira kuwo doonaya in haatanba loo sii dubo Buskudkooda iyo kuwo kale oo sii qabsanaya maalintii howsha loo qaban lahaa.
Docda kale, Muqdisho waxaa ku sugan dad soo barakacay oo ku nool xeryo ay ka sameysteen dhismayaal ay lahaan jirtay Dowladdii hore, kuwaasi oo qudhooda noloshooda ay tahay mid ciriiri ah, iska daa Ciid iyo nashaadaad kale oo ay ka fikiraane, waxayna dabcan dadkaasi u baahan yihiin gacan ay ka helaan walaalahooda Soomaaliyeed ee wax heysta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia