Sabti, October 14, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa wareegto uu xalay soo saaray waxaa uu xilka uga qaaday wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, kuwaasi oo aan la caddeynin sababta xil ka qaadistooda loo cuskaday.
Wasiirrada xilka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Wasiirradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Fowsiyo Maxamed Shiikh, Wasiiru-dowladaha Kalluumeysiga iyo Khyeraadka Badda Cabdalla Boos Axmed iyo Wasiiru-Dowlaha Warfaafinta Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wareegtada uu soo saaray Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu magacaabay xubno kale oo buuxinaya jagooyinkii xubnaha xilka laga qaaday, kuwaasi oo kala ah Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Maxamed Mursal, Wasiiru-Dowlaha Kalluumeysiga Saalax Maxamed Cali Sakhaawe iyo Wasiiru-Dowlaha Warfaafinta Sahra C/qaadir C/raxmaan.
Wasiirrada xilka laga qaaday ayaa waxay ka soo horjeedeen siyaasadaha Ra’iisal Wasaare Geedi, marka laga reebo Wasiiru-Dowlihii Warfaafinta Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyadu ku dhaweyd Ra’iisal Wasaaraha,hayeeshee iyadu intii aan xilka laga qaadin ku dhawaaqday in ay isaga tagtay xilkii ay ka heysay Wasaaradda Warfaafinta.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo wax laga weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in xil ka qaadista Wasiirradaas ay la xiriirto mucaaradnimo ay kala soo horjeedaan Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in aysan xil ka qaadistooda arrintaas la xiriirin, balse ay la xiriirto in ay ka soo bixi waayeen shuruucdii u ogolaaneysay inay Wasiirro sii ahaadaan.
Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa horay wuxuu xil ka qaadis ugu sameeyay wasiirradii hoggaamiye kooxeedyada ahaa ee Muqdisho ku sugnaa, kuwaasi oo xil ka qaadistooda uu u cuskaday in ay dhisteen Isbaheysi aaney waxba kala socon dowladda Federaalka oo loogu magac daray Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada, isla markaana ka gows qabsadeen farriin uu u diray oo ahayd in ay deg deg ku tagaan Magaalada Baydhabo oo si KMG ah u ah Xarunta Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia