14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Waaxda Dhismaha Maxkamadaha Islaamka oo dhistay Bohol weyn oo ka dhex qodantay Wadada Wadnaha iyo Suuqii Xoolaha Wardhiigleey

- Advertisement -spot_imgspot_img

Bohosha
Sabti, October 14, 2006(HOL): Waaxda dhismaha Maxkamadaha Islaamka ayaa ku guuleysatay in ay buuxiso bohol weyn oo ka dhex qodantay Wadada Laamiga ah ee isku xirta Wadada Wadnaha iyo Suuqii Xoolaha Wardhiigleey, gaar ahaan nawaaxiga Xaafadda Buur Hindi.

 

Bohoshan oo aad u weyneyd ayaa waxay kala goysay isu socodka dadka u dhow halka ay boqosha ka qodantay, kuwaasi oo aan dab kala qaadan jirin, isla markaana aan meydka wada duugan karin in ay meel dheer isaga soo wareegaan mooyee.

 

Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Xasan Cali Maxamed Xashaash ayaa uga mahadceliyay Maxkamadaha Islaamka howsha ay ka qabteen buuxinta bohoshaas oo maamullo horay u soo maray Gobolka Banaadir ay wax ka qaban waayeen.

 

“Qof walba oo aragtay sida sahalka ah ee wax looga qabtay bohoshaas wey la yaabtay, waayo meesha waxaa ka qodnaa godweyn oo aan lagu dhiiran karin in la duugo”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley oo sheegay in bohosha ka qodantay halkaas lagu shubay carro, dhagax iyo shub, isagoo intaas ku daray in dhulka ku xeeran wadadaas uu qiimo beel ku yimid kadib markii uu go’doon noqday.

 

Ilaa 30 qoys oo ay bohoshaas kala xanibi jirtay ayaa haatan waxay fursad u heleen in ay isa soo booqdaan, isla markaana ay si caadi ah u macaamilaan, halka intii ay boqosha qodneyd ay kor iska salaami jireen amaba ay isu gacan haatin jireen.

 

Dayactir aan badneyn ayaa Waaxda dhismaha maxkamdaha weli uga socda dib u soo nooleynta wadada isku xirta Masjidka Cabdalla iyo Cawareere iyo xaruntii hore ee Degmada Wardhiigley, waxaana howlaha ay Maxkamadaha halkaas ka wadaan soo dhaweeyay dadka deegaankaas oo la arkayay iyagoo dul taagan halkii ay bohosha weyn ka qodneyd oo howl weyn laga qabtay.
 

Maamulladii Cali Mahdi, Jen. Caydiid iyo C/qaasim Salaad oo Gobolka Banaadir ay fariisin u ahayd ayaa ku guuleysan waayay in ay bohoshaas wax ka qabtaan, halka ay Maxkamadaha muddo gaaban wax uga qabteen dhibaatadii isu socod la’aaneed ee ay qabeen dadka degmada Wardhiigleey.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).