Jimco, October 13, 2006(HOL): Waxaa maalintii shalay ahayd oo taariikhdu ay ku beegneyd 12-ka Oktoobar laga xusay magaalada Muqdisho maalinta Aragga Caalamka oo ah maalin si weyn loo maamuuso sanad kasta marka la gaaro 12-ka Oktoobar, waxaana xaflad lagu weyneynayay maalintaas lagu qabtay Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur oo Muqdisho ku yaala.
Xafladda lagu weyneynayay Maalinta Indhoolayaasha Caalamka ee Dugsiga Al-Nuur lagu qabtay waxaa ku lamaaneyd munaasabad kale oo iyana lagu maamuusayay maalinta Usha Cad ee ay ku socdaan Indhoolayaasha, taasi oo iyadana loo dabaaldego 15-ka Oktoobar ee sanad kasta.
Xuska labadaas maalin waxaa ka qeybgalay Waalidiin ay Caruurtooda wax ku bartaan Dugsiga Al-nuur, Macallimiinta iyo Maamulka Dugsiga, Saxafiyiin ka socotay gudaha dalka iyo dibaddiisa iyo weliba marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda, kuwaasi oo muhiimad gaar ah siiyay in ay si weyn loo maamuuso maalinta aragga caalamka, bacdamaa ay jiraan maalmo aan qiimo sidaas ah lahayn oo la weyneeyo.
Ka sokow Ardaydii iyo Macalimiintii Dugsiga ee iyagu ka hadlay munaasabadda waxaa iyana dareenkooda goobta ka muujiyay Waalidiin ay Dugsiga u dhigtaan caruur indho la’, kuwaasi oo qaarkood ay qasab ku noqotay in ay bartaan farta ay Indhoolayaasha wax ku bartaan Praille-ka, si ay Caruurta ugu sharaxaan Duruusta ay soo qaataan.
Ustaad C/llaahi Shiikh Maxamed Nuur waxaa uu ka mid yahay waalidiintaas, waxaana dugsiga u dhigta wiil indho la’ oo waxbarashadiisa dhibaato dhinaca fahamka ah kala kulmay. Ustaad C/llaahi waxaa uu sheegay in wiilkiisa ay ku adkaatay in uu wax ku fahmo farta Praille-ka, kadibna uu go’aansaday in uu isagu farta barto, si uu wiilkiisa ugu sharaxo casharrada uu dugsiga ka soo qaato, taasina wuu ku guuleystay sida uu xafladda ka sheegay.
“Wiilkeyga waxaa la yiraahdaa C/waaxid waxa uu ka mid yahay Ardayda, waxaan arkay isagoo ay dhibeyso in uu wax ku aqriyo farta Praille, kadibna waxaan qaatay go’aan ah in aan anigu barto fartaas, dabadeedna aan fahamsiiyo wixii dhibaya, dadaal badan kadib fartii waan bartay, wax weyn ayaana iska bedelay waxbarashada wiilkeyga”ayuu yiri Ustaad C/llaahi Shiikh Maxamed Nuur oo u mahadceliyay Macallimiinta Dugsiga Al-nuur oo iyagu u sahlay in uu si dhib yar u barto farta Praille-ka oo ah mid luuqad kasta lagu qori karo.
Ustaadka wuxuu intaas ku sii daray in markii uu arkay dhibka heysan kara waalidiinta aan farta aqoonin ee hadana ay u joogaan Ilmo dugsiga wax ka barta uu go’aansaday in uu Buug Af-Soomaali ku sharaxaya sida loo qoro farta Praille uu sameeyo, “Buugani wuxuu anfacayaa waalidiinta sideyda oo kale ah iyo xitaa bulshada indhaha qabta waayo qofka isagoo maanta indho qaba berri wuu indho beeli karaa, sidaas darteed aanigu waxaan qabaa in la barto fartaas”ayuu yiri Ustaad C/llaahi.
Farta Prailke oo asalkeedii uu hindisay nin u dhashay Wadanka Faransiiska oo lagu magacaabi jiray Luis Praille waa far faraha lagu aqriyo oo la dareemo, waxaana lagu garaacaa mashiino loogu talagalay oo la gelinayo warqado ka adag kuwa caadiga ah ee A4-ta loo yaqaano.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Maamule ku xigeenka Dugsiga Al-Nuur Md. C/Fataax Maxamed Daahir oo isaga qudhiisa aan indhaha wax ka arki karin hayeeshee u shaqeeya sida Maamulayaasha indha qaba, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka sababihii keenay in la aas aaso Dugsiga Indhoolayaasha Al-nuur, “Sababaha loo aas aasay Dugsigan waxaa ka mid ah baahi weyn oo la factirsatay dadka indhaha la’ muddo dheer xagga aqoonta, Dadka indha la’ oo dalka ku sii badanaya, kuwaasi oo isugu jira kuwo si dabiici ah u indho beelay, kuwo ay nafaqo darro indho tirtay iyo kuwo araggoodii ku waayay waxyeeladii dagaallada sokeeye”ayuu yiri C/fataax Maxamed Daahir oo sheegay in Dad indho la’ oo Soomaaliyeed oo gudaha dalka iyo dibaddiisa ku sugan ay garwaaqsadeen in loo gurmado walaalahooda dhibaateysan ee ku sugan gudaha Dalka.
Ujeedooyinka Dugsiga Al-nuur uu hiigsanayo ayuu ka hadlay Maamule ku xigeenka Dugsiga, wuxuuna sheegay in ay ka mid yihiin in la helo Jiilal indho la’ oo awood u leh in ay wax qoraan waxna aqriyaan, waxbarashada si siman ula wadaagaan asaagooda indhaha qaba, sidoo kale wuxuu ku nuux nuuxsaday Maamule ku xigeenka Dugsiga Al- Nuur Ustaaf C/fataax Maxamed Daahir in ay doonayaan in loo tababaro dadka indhaha la’ qaabkii ay iyagoo nabdoon u fushan lahaayeen howlahooda gaarka ah, sidoo kalena ay doonayaan in ay ku wacyigeliyaan Bulshada in haddii dadka Indhaha la’ la diyaariyo ay baahidooda daboolan karaan, bulshadoodana ay wax tari karaan.
Dhanka kalena, Maamulka Dugsiga wuxuu si naxariis leh uga codsaday dadka kheyrka jecel meel ay joogaanba in ay gacan walaaltinimo ka geystaan wax ka qabashada habsami u socodka howlaha dugsiga, si ay suurtagal ugu noqoto xaqiijinta himilada uu hiigsanayo, “ku shukriya nimcada aragga ee Allaah idinku manneystay, uguna gargaara kuwa nimcadaasi ka maqan tahay ee Walaalihiina ah”ayuuna yiri Maamule ku xigeenka Dugsiga C/fataax Maxamed Daahir.
Ugu dambeyntiina Dugsiga Al-Nuur waa Dugsigii ugu horeeyay oo loo aas aasay dadka indhaha la’, waxaana dhidibada u aasay aqoonyahanno aan qudhooda indhaha wax ka arki karin, kuwaasi oo dalka dibaddiisa wax lagu soo baray. sida ay sheegaan maamulayaasha dugsigan ma jiraan kaalmo ay ka helaan dad shisheeye, marka laga reebo Jaaliyad Soomaaliyeed oo ku dhaqan magaalada Brimingham ee dalka Ingiriiska iyo weliba Shirkado iyo Hay’ado Wadani ah oo ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Hormuud Telecom, Al-Towba, Mu’asasada Imaamu Shaafi, Jubba Airways Telecom Somalia, Muslim Aid-UK iyo shakhsiyaad kheyr jeclayaal ah oo Soomaaliyeed.
Warar hore oo ay Hiiraan Online ka qortay Dugsiga:
Ardaydii ugu horeysay oo dugsiga ka qalin jebisay
Dadka indhaha la’ xaq ma u leeyihiin in ay waxbartaan?
Qof kasta oo doonaya in uu caawiyo Indhoolayaasha Dugsiga Al-nuur wuxuu kala xiriiri karaa cinwaannada hoos ku qoran:
Tel: +2521-218433
Tel: +2521-856308
Tel: +2525-929781
Tel: +2521-511979 (
Fax: +2521-216370
e-mails: amfarah231@hotmail.com
website: www.somaliblind.org
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia