14.6 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Mas’uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraan oo sheegay in aysan aqoonsaneyn dhamaanba Maamullada Degmooyinka Gobolka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 13, 2006(HOL): Kadib markii ay ku soo laabteen Gudaha gobalka Hiiraan Mas’uuliyiinta Sar sare Maxkamada islaamiga Gobalka oo in muddo ah ku maqnaa dhanaca Magaalada Muqdisho, ayaa kulamo ay la qaateen  Mas’uuliyiinta  Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ayay ku sheegeen in aysan Aqoonsaneyn wixii xiligan ka dambeeya Jiritaanka Maamulladii ka horeeyay  dhismaha Maxkamada.

 

Mas’uuliyiinta sar sare oo markii ay soo gaareen Degmada Buula-Burte meel fagaaro ah dadka kala hadlay  ayaa sheegay in uusan jirin maamul ka jira Degmada  isla markaana Maxkamaddu ay soo dhisi doonto wixii Maamul ah, waxayna ay mas’uuliyiintu intaas ku dayaan in wixii hadda ka dambeeya laga fariisan doono dhismaha maamullada degmooyinka Gobalka.

 

Col. Xasan C/dule   (Gaar-gaar) oo ahaa guddoomiyihii degmada Buula-Burte oo ka hadlay Go’aanka ka soo yeeray dhinaca maxkamadda  ayaa sheegay in uu u arko mid lagu deg degay maadaama ayuu yiri  Maamulka uu madaxda ka ahaa uusan ahayn mid dowladdu soo magacawday, balse ay soo doorteen dadka deegaanka, waxaana uu intaas ku daray in isaga iyo xubnaha maamulkiisu arintaas ay shir ka qaadan doonaan.

 

Sidoo kale Xubnaha xilkooda amarkan ku weynaya ayaa waxaa ka mid  Gudoomiyihii degmada Jalalaqsi C/qaadir Cariif Guure oo mar ay la xiriitay HOL sheegay in uusan diyaar u ahayn in waqtiga uu ka hadlo warkan ka soo yeeray dhinaca maxkamadda, waxaana xusid mudan in Maamulka uu madaxda ka ahaa C/qaadir Cariif ay soo magacawday Dowlada Federaalka,  gaar ahaan garabkii fadhiyay Magaalada Jowhar.

 

Warkan cusub ee ka soo baxay dhinaca maxkamadda Islaamiga ayaa ku soo beegmaya xili mas’uuliyiinta sar sare ee maxkamaddu ay ka soo laabteen dhinaca magaalada Muqdisho, waxaana suurtagal ah in wixii hadda ka dambeeya maxkamaddu la soo shir tagto  siyaasado hor leh oo ka duwan kuwii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).