Jimco, October 13, 2006(HOL): Qaramada Midoobay ayaa shaqaalaheedii Caalamiga ahaa waxay kala baxday dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ka taliyaan maxkamadaha Islaamka, waxayna arrintaas dhacday kadib markii ay qeybta Ammaanka Qaramada Midoobay gaareen digniino ku saabsanaa in ay shaqaalahooda kala baxdo Dalka Soomaaliya.
Digniintan ayaa timid kadib markii 17-kii September 2006 lagu dilay magaalada Muqdisho Sooro u dhalatay Dalka Talyaaniga oo ka shaqeyneysay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka SOS, taasi oo la dilay iyadoo ku guda jirtay howlo Samafal ah oo ay u heysay Dadka Soomaaliyeed.
Shaqaalaha UN-ka ayaa la faray in ay isaga baxaan gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isla markaana aysan dib ugu noqon tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka deegaanada ay ka howlgelayeen. Horayna deegaanada Puntland ayaa waxaa isaga baxay shaqaale UN-ka u shaqeynay, kuwaasi oo iyana la gaarsiiyay digniiin ku saabsan in ay Deegaanada Puntland isaga baxaan.
Waxaa xusid mudan in ay dhowr jeer Muqdisho yimaadeen saraakiil ka socotay
qeybta UN-ka u qaabilsan ammaanka, kuwaasi oo kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka, isla markaana loo xaqiijiyay in ay ka howlgeli karaan si cabsi la’aan ah deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka.
Lama oga sababta keentay in ay Qaramada Midoobay shaqaalaheeda ka daadgureysato dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamka oo suurtageliyay ammaanka ka wanaagsan midkii ay shaqaalaha UN-ka ku dhex shaqeyn jireen xiligii Hoggaamiye Kooxeedyada.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Shaqaalaha Qaramada Midoobay isaga baxaan dalka Soomaaliya, waxaana xitaa dhici jirtay xiligii ay hoggaamiye kooxeedyada dalka ku sugnaayeen in shaqaalah UN-ka la af-duubto ama dil loo geysto, waxaana taasi ugu wacan iyadoo mar kasta qeybta UN-ka u qaabilsan Ammaanka lagu wargeliyo in ay jirto khatar aan shaqaalaha Qaramada Midoobay u saamaxeynin in ay dalka Soomaaliya ka howlgalaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia