13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo beeniyay in ay weerar ku yihiin Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, October 13, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamka ee ka taliya deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxay beeniyeen in ay weerar ku yihiin Itoobiya, wuxuuna mas’uul u hadlay uu sheegay in ay kaliya ku eg yihiin difaacidda Dalka Soomaaliya.

 

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Arrimaha dibadda ayaa u sheegay Idaacadda codka Mareykanka ee VOA in aysan Maxkamadaha Islaamka dooneynin in ay weerar ku qaadaan Dowladda Itoobiya, wuxuuse caddeeyay in aysan gacmaha laaban doonin haddii ay Itoobiya isku daydo in ay qabsato dalka Soomaaliya.

 

Prof. Caddow waxaa uu intaas ku daray in ujeedkoodu uu yahay sidii ay nabadgelyo ugu soo dabaali lahaayeen dalka Soomaaliya oo qas iyo fowdo ku soo jiray muddo dheer, :”ma doonayo in aan hawada ku sii daayo qorshayaasha mileteri ee Maxkamadaha, balse waxaan caddeynayaa in aysan Maxkamadaha u soconin Soomaaliya dibadeeda, waxa kaliya oo ay doonayaana ay tahay in ay deganaantii Soomaaliya soo celiyaan, isla markaana ay xiriir wanaagsan la sameystaan wadamada la derisk ah”ayuu yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.

 

Tan iyo markii ay Maxkamada Islaamka kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Muqdisho hoggaamiye kooxeedyadii ku sugnaa waxaa isa soo tarayay eedo ka imaanayay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ku saabsanaa in Dowladda Itoobiya ay ciidamo soo gelisay dalka Soomaaliya, waxaana u dambeeyay hadal uu Isniintii dhaweyd jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ay soo galeen Soomaaliya, dhul hor lehna ay qabsadeen, “waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaargaroobaan Jihaad ay la galaan ciidamada Itoobiyaanka”ayuuna yiri Shiikh Shariif oo sheegay in Itoobiya ay cadaawad soo jireen ah kala dhaxeyso Shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna aysan suurtagal ahayn in ay soo gasho dalka Soomaaliya.

 

Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa ku eedeeya Maxkamadaha Islaamka in ay xiriir la leeyihiin wax ay ugu yeereen argagixisada Al-Qaacidda, isla markaana ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya ka dhaqangeliyaan nidaam la mid ah midkii Daalibaan ee ka talin jiray dalka Afghanistan, inkastoo mas’uuliyiinta Maxkamadaha ay gaashaanka u daruurayaan eedeyntaas, “Ma jiraan Kooxo dibadda ah oo ay Maxkamadaha Islaamka xiriir la leeyihiin, waxaana dooneynaa in aan caadiyeyno xiriirrada aan la yeelaneyno Caalamka intiisa kale”ayuu yiri Prof. Caddow oo ah mas’uulka Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Arrimaha Dibadda, ahna nin heysta dhalashada Dalka Mareykanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).