Arbaco, October 11, 2006(HOL): Maalmihii aynu soo dhaafay oo idil dareenka Dadka Gobolku waxaa uu ahaa mid ku wajahan dhinaca Degaanka Kala-Beyr gaar ahaan Deegaamada ku dhaw dhaw Xadka gobolku uu la wadaago Dowladda Itoobiya.
Ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ee ku sugan Deegaanada cabsidu ka jirto ayaa saraakiisha hor kaceysa waxa ay HOL u sheegeen in ciidamo kuwii ugu xoogga badnaa inta la xasuusto ay soo dhigtay Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo ay taageerayaan Ciidamo Soomaali ah oo isugu jira kuwa ka soo jeeda Gobolka Hiiraan iyo waliba kuwo daacad u ah Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.
Sidoo kale Saraakiishu waxaa ay intaas ku darayaan in ciidamada Dowladda Itoobiya mar marka qaar ay Hub ku soo ridaan Dhinaca ciidamada Maxkamadda iyagoo arintaas ku macneynaya in ay sameynayaan Dabrid Ciidan. Waxaa uu warku intaas ku darayaa n arintaasi ay keeni karto isku dhac dhaxmara labada dhinac.
Xuseen Maxamuud Maxamed (Gaa-gaale) oo ah Taliyaha Ciidamada ku sugan dhinaca xuduuda oo ay HOL wax ka weydiisay waxa ka taagan Xadka ayaa sheegay in uu jiro Dhaq-dhaqaaq ay wadaan wax uu ku tilmaamay Cadawga Soomaaliya oo ay taageerayaan ayuu yiri dad soomaali ah, waxaana uu intaas ku daray in mar walba ciidamada Maxkamadu u taagan yihiin in ay iska dafaacaan weerar sida uu sheegay la fili karo in uu kaga yimaado dhinaca Itoobiya.
Dhaq-dhaqaaqan ciidan oo ah mid sibweyn looga dareemayo Gudaha magaalada Beledweyne ayaa la
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaaladda iminka ka taagan Deegaanka Kala-Beyr ayaa waxaa ay tahay mid si weyn isha loogu wada hayo, ayna ka imaan karaan xaalado murugsan oo saameyn ku yeesha gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia