13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Mas’uul u hadlay Maxkamadaha Islaamka ee gobollada Jubbooyinka oo sheegay in ay weerar ku soo yihiin Col. Barre Hiiraale iyo Ciidamo uu wato

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, October 11, 2006(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta maxkamadaha Islaamka  ee halkaas ku sugan ay muujinayaan wel wel ku saabsan cabsi dagaal oo uga timaada dhinaca Col. Barre Hiiraale oo gobollada Jubbooyinka horay uga talin jiray.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Col. Barre Hiiraale iyo Ciidamo uu wato ay ku sugan Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe, halkaasi oo uu uga sii duulayo Magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata maxkamadaha Islaamka.

 

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in uu Col. Barre Hiiraale saanad Mileteri ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu ka yahay Wasiirka Gaashaandhigga. Col. Barre Hiiraale ayaa intii aysan ka ceyrsan Maxkamdaha Islaamka Magaalada Kismaayo  waxaa laga la’aa mowqif loogu hagaago oo ku saabsan halka uu rasmi ahaan raacsan yahay dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka waayo wuxuu ku magacawnaa Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka, hadana waxaa laga maqlayay hadallo uu ku amaanayo isbedellada ay Maxkamadaha ka sameeyeen deegaanada ay ka taliyaan.

 

Dhanka kalena Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Jubada Hoose C/llaahi Axmed Warsame Ejka ayaa sheegay in  deegaanka Beer Xaano oo 40km dhanka Galbeed kaga toosan Magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin ciidamo ka haray Isbaheysigii Dooxada Jubba, kuwaasi oo ay muddo wada hadal kula jireen, hayeeshee ay war ka maqli waayeen, haatana ay u direen ciidamo ka kaxeeya halka ay joogaan.

 

Taliyaha waxaa uu sheegay in waxa u dhaxeeya iyaga iyo Ciidamada Beer Xaano jooga ay yihiin dagaal, bacdamaa sida uu yiri ay wax ka maqli waayeen Odayaal u direen,” Waxaan dooneynay in aan wada hadalno oo haddii aan is-af-garanno aan wada shaqeyno, hayeeshee taasi wey ka biyo diideen, waxaana u dirnay Ciidamo ka saara halka ay ku sugan yihiin” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee Jubbooyinka C/llaahi Ejka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).