Arbaco, October 11, 2006(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Meles Zenawi ayaa shaaca ka qaaday in ay dowladdiisu qaadi doonto tallaabo kasta oo ay ku difaceyso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed haddii ay weeraro uga yimaadaan dhinaca Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Dalka Soomaaliya, isagoo beeniyay in ay horay ciidamo ugu direen dalka Soomaaliya.
Meles Zenawi oo wariyayaal kula hadlayay Qasriga Qaranka Dalka Itoobiya ee magaalada Addis Ababa ku yaala ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in ay iska difaacayaan Maxkamadaha Islaamka haddii ay weerar ku soo qaadaan, wuxuuse rajeeyay in aysan taasi dhici doonin.
Marka uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya shirka Jaraa’id qabanayay waxaa la joogay Madaxweynaha Nigeria Olusegun Obasanjo oo isna mar uu hadlayay soo hadal qaaday Arrimaha Soomaaliya, wuxuuna Mr. Obasanjo ugu baaqay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka in ay abuuraan jawi ka gedisan midka ay haatan ku jiraan, isagoo caddeeyay in loo baahan yahay wada hadallo dhexmara labada dhinac.
Hadalka ka soo baxay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa wuxuu yimid kadib markii ay dorraad Mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka ay ku baaqeen Jihaad ka dhan ah Dowladda Itoobiya oo sida ay sheegeen ciidamo 30 kun ka badan soo gelisay gudaha Soomaaliya, deegaano hor lehna ay qabsadeen.
Maxkamadaha Islaamka oo ka taliya dhul weyn oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa mas’uuliyiin ka tirsan waxay ku dhawaaqeen in ay doonayaan in ku dhaqanka Shareecada Islaamka ay gaarsiiyaan Soomaaliya oo dhan, xitaana ay ku daraan dhulka ku maqan Itoobiya iyo Kenya, taasina waxay keentay in ay Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay ciidamadooda jooga xadka ay la wadaagaan Soomaaliya ay heegan sare geliyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maxkamdaha Islaamka ayaa labo jeer oo hore waxay u tageen magaalada Khartoum ee dalka Suudaan wada hadallo aan la fulin go’aanadii ka soo baxay, waxayna mar kale labada dhinaca 30-ka bishan u ballansan yihiin wada hadallo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia