13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadda Islaamiga Gobolka Hiiraana oo soo saartay amar lagu mamnuucayo isu socodka xadka Gobolku la wadaago

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, October 10, 2006(HOL): Kadib dhaq-dhaqaaq in muddo ah ka jiray Degaanka Kala-Beyr oo ku dhaw xadka Dowladda Itoobiya ay la wadaagto Gobolka Hiiraan, ayaa markii ugu horeysay waxaa ay Mas’uuliyiinta Maxkamadda islaamiga Gobalku ay ku dhawaaqeen in gabi ahaan la xiray Isku socdkii Xadka Gobalku uu la wadaago Dowlada Itoobiya, taasoo sida la sheegay looga gol-leeyahay Adkenta iyo la socoshada xaalada Nabad-galyo.

Go’aanka ay qaateen Mas’uuliyiinta Maxkamada oo muujinaya shakiga laga qabo dhibaato ka soo food saarta maxkamadda dhinaca dowladda Itoobiya, ayaa waxaan si weyn ugu farxin Dadka iyagu ka ganacsada Dhulka ismaamulka Itoobiya iyo gobalka Hiiraan, gaar ahaan inta lagu gudda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo si weyn dhaq-dhaqaaqa ganacsi uu u socdda.

Dadka Ganacsatada ah ee sida weyn uga cabanaya Xayiraadan ayaa marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in loo baahnaa in maxkamadu si kale wax ku xalliso isla markaana aan lagu deg-degin joojinta dhamaanba isku socodka Gaadiidka, taasoo hadda u muuqata mid aysan u soo dabci doonin mas’uuliyiinta maxkamadda oo iyagu sheegay in sugida nabad-galyadda Gobolka aan cidna lagala tashan doonin.

Dhanka kale markii ugu horeysay ayaa Gudaha magaalada B/weyn waxaa lagu dhex-arkay calanka u gaarka ah Midowga Maxkamadaha ka soo lagu arkayay isaga oo ka dul ba-banaya dhamaanba gawaarida Maxkamaddu leedahay, waxaana calankan gaarka ah uu yahay mid madow oo lagu qoray kalmadda Towxiidka, taasoo si weyn dadka Gobolku u hadal hayaan iyadoo marka aad eegto calankan uu meesha ka saarayo Calankii Buluuga ee astaanta u ahaa Jamhuuriyada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).