Talaado, October 10, 2006(HOL): Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Golaha maxaakiimta Islaamiga in ay ka faro maroogsadeen oo ay kala wareegeen gacan ku heynta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo ay iyagu horay u dayactireen.
Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal), Guddoomiyaha Haweenka Horseedka Nabadda oo arrintaas uga warantay Idaacadda Banaadir ayaa sheegtay inay Isbitaalka Banaadir horay u dayactireen Haweenka Horseedka Nabadda, welina ay diyaar u yihiin taaba-gelinta howsha Isbitaalka, balse ay nasiib darro ku tilmaantay in iyagoo aan wax wargelin ah la siinin lagala wareego Isbitaalkii.
“Kama xumin in Maxaakiimtu la wareegaan Isbitaalka Banaadir, balse waxaanu aad uga xunnahay in lala wareego iyadoo aanan nagula wargelin. Hanti badan oo Umadda aan ka qaadnay ayaa gelinay Isbitaalka hadana waxaan heynaa Hanti badan oo aan uga qaadnay Umadda, taasi oo aan rabno in wax loogu qabto Hooyada iyo Dhallaanka Isbitaalka ka hela adeegyada Caafimaadka”ayay tiri Madiino Janaraal.
Madiino waxay sheegtay in mar ay isku dayday in ay booqasho ku tagto Isbitaalka shafka gacanta laga soo geliyay, isla markaana loo diiday in ay gudaha u gasho Isbitaalka, “haatan wixii ka dambeeya Isbitaalka Banaadir laguma oga Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha, wixii ka hallaabana Maxkamadaha ayaa la weydiin doonaa”ayayna tiri Madiino Madiino Janaraal oo hoosta ka xariiqday in howlihii Isbitaalka ay wax weyn iska bedeleen, isla markaana ay yaraadeen dhaqaatiirtii sida Bilaashka ah uga howlgeli jirtay.
Dhinaca kale ku xigeenka Waaxda Caafimaadka ee Golaha Maxaakiimta Shiikh Maxamed Xaashi Fara Cadde oo eedeyntaas wax laga weydiiyay ayaa sheegay in aysan jirin wax maroorsadeen, wuxuuse caddeeyay in Isbitaalka uu yahay Isbitaal aanan si gaar ah loo lahayn oo mid Qaran ah, “Haweenka haddii ay dayactir ku sameeyeen Isbitaalka oo ay dhaqaale geliyeen ma ahan in ay ku abaal sheegtaan oo ay yiraahdaan annaga ayaa Isbitaalka dayactirnay, cid aan annaga ahayn-na uma furna”ayuu yiri Shiikh Fara Cadde oo caddeeyay in Mustaqbalka Isbitaalka Banaadir uu yahay mid sidiisii ah.
Isbitaalka Banaadir oo loogu talagalay in lagu daryeelo caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ayaa haatan waxaa ku jira Ciidamo ka dhaawacmay maxkamadaha Islaamka oo adeegyo dawooyin ah loogu fidiyo, waxayna taasina keentay in ay wax iska bedelaan howlihii ka socday, walow ay mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka ay ku doodayaan in dhaawacyadaas laga qaadi doono Isbitaalka, isla markaana la geyn doono meelo kale oo loo diyaarinayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia