13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Maxkamadaha Islaamka oo ku howlan Dhismaha Dowlad aan ahayn tan fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 08, 2006(HOL): Maxkamadaha Islaamiga ayaa ku howlan dhismaha dowlad kale oo aan ahayn tan haatan uu fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ee ay yar tahay deegaanada ay maamusho.

 

Dowladda cusub ee ay dhisayaan Maxkamadaha Islaamiga ayay wararku sheegayaan in lagu magacaabi doono Golaha sare ee Islaamka Soomaaliya, kaasi oo bedeli doona  Maxkamadaha Islaamiga ah ee haatan dalka ku kala firisan, “Golahan wuxuu ugu dambeynta xukumi doonaan wadanka oo dhan, Maxkamaduhuna waxay noqon doonaan kuwo la mideeyay oo hal ah, isla markaana kala sooci doona wixii qaldan iyo wixii saxan”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shuurada Shiikh Xasan Daahir Aweys, sida ay qortay Shabakadda The Media Line.

 

Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale horay ugu sheegay Jariidada Sharqul Awsat in ay dib u habeyn ku sameynayaan Maxkamadaha Islaamiga ah, isla markaana ay maamuli doonaan Soomaaliya, isagoo xusay in inta badan deegaanada Soomaaliya ay iminka gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamiga.

 

Dhinaca kalena, dhamaan guddoomiyayaasha Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya iyo xubnaha labada gole ee Maxkamadaha Islaamka ayaa soo gaaray dhawaantan magaalada Muqdisho, iyadoo la hadal hayo in ay ka doodayaan sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen hab maamulka Maxkamadaha Islaamiga.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).