13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Taliyaha Ciidanka Booliska oo la hadal hayo in xilka laga xayuubinayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 08, 2006(HOL): Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in si weyn loo hadal hayo xil-ka-qaadis ku soo fool leh Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe), sida aynu ka xiganay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

 

Wararku waxay sheegayaan in ay magaalada Baydhabo ka bilaabatay hadal heynta mas’uulkii lagu bedeli lahaa iyadoo ay jiraan xubno loolan ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen qabashada xilkaas, walow uu jiro muran dhinaca Qabaa’ilka ah oo u dhaxeeya cidda qabaneysa xilkaas, iyadoo uu Jen. Cali Madoobe muddo bil ka badan ka maqan yahay magaalada Baydhabo.

 

Jen. Cali Madoobe ayaa Baydhabo isaga tegay kadib markii lagu eedeeyay in Ciidamo amarkiisa fulinayay ay garoonka diyaaradaha Baydhabo ku xasuuqeen Maleeshiyooyin Garoonkaas ku sugnaa, kuwaasi oo ka soo jeeday Beelaha Digil iyo Mirifle.

 

Inkastoo uu Jananka isku difaacay in Maleeshiyooyinka la xasuuqay ay ahaayeen kuwo ka hor yimid awaamiirta Dowladda iyo habsami u socodsiinta howlaheeda, hadana waxay Xildhibaano ka tirsan Digil iyo Mirifle oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Xaabsade ay sheegeen in uu Jen. Cali Madoobe si ula kac ah u xasuuqay Maleeshiyooyinka Garoonka joogay oo ahaa kuwo ay meesha ku ogeyd Dowladda, iyadoo sida uu yiri laga wada hadli karay haddii uu jiray is-faham waa dhexmaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).