13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Jabuuti oo ka wada hadlay Arrimaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, October 08, 2006(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Jabuuti ayay wararku sheegayaan in ay ka wada hadleen sidii xal mideysan looga gaari lahaa xiisadda ka soo cusboonaatay Soomaaliya.

 

Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Geelle uu Ergayga Koffi Anan u sheegay in Soomaaliya aaney xiligan dan ugu jirin ciidamo shisheeye oo la geeyo, taasoo uu madaxweynuhu ka digay in ay sii xumeyn doonto xaaladda murugsan ee haatan ka jirta Dalka Soomaaliya.

 

Mr. Fall ayaa la filayaa in uu booqashooyin kale ku kala bixiyo dalalka Yugaandha, Yemen, Suudaan iyo Masar, isagoo madaxda dalalkaas iyo kuwii uu horay u soo maray ee kala ahaa Kenya, Itoobiya iyo Eretereya kala hadlayay in xal mideysan loo helo mushkiladda Soomaaliya, walow ay dalalkani ku kala duwan yihiin sida xal loogu heli karo Mushkiladda Soomaaliya.

 

Aqoonyahanno iyo waxgarad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay qabaan in socdaalka Danjire Fall uusan waxba ku soo kordhin doonin xaaladda ay haatan ku sugan tahay Soomaaliya, waxa kaliya oo uu socdaalkaas ka faa’iidayana ay tahay in uu ku soo helo xog ku saabsan Arrimaha Soomaaliya taasi oo uu ku darsanayo Warbixin uu ka sugayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Koffi Annan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).