Axad, October 08, 2006(HOL): Iyadoo ay dhawaan magaalada Muqdisho ku soo kordhayeen Xildhibaanada Dowladda Federaalka ayaynu mid ka mid ah Xildhibaanadaas oo lagu magacaabo Cabdalla Xaaji Cali wax ka weydiinay in ay yihiin koox ka falaagowday dowladda Federaalka oo Muqdisho ka abuureysa garab kale.
“Haddii khilaafka jiro uu sidiisa u sii socdo in dowladdu labo garab kala noqoneyso shaki kuma jiro”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo dhinaca kale sheegay in uu Muqdisho u arko meel ay nabad ka jirto, isla markaana uu ammaankeeda hal gacan ku jiro.
Xildhibaanka waxaanu weydiinay in ay dib ugu laabanayaan Magaalada Baydhabo iyo in ay doorteen in ay Muqdisho sii joogaan. “Ilaa iminka laguma guuleysan xasilinta iyo nabadgelyada magaalada Baydhabo, balse inta ay ciidamada Itoobiya joogaan Baydhabo cid tegeysaahi ma jirto”ayuu ku warceliyay Xildhibaanka oo aynu sidoo kale weydiinay in uu u arko magaalada Muqdisho meel nabadgelyo ahaan ay imaan karaan madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka.
“Haddii la soo degayo Muqdisho waxaa haboon in marka hore la is-waafaqsan yahay oo la xaliyo wixii mushkilado ah ee siyaasiyan jira, markaasi kadib dowladdu waa ay soo degi kartaa balse waxaan qabaa in si KMG ah ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba ay u sii joogi karaan Magaalada Muqdisho, iyadoo aaney jirin wax cabsi ah oo ammaankooda la xiriira”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.
“Indhaheyga ayaan saaray Askarta Itoobiyaanka, awood ahaan iyo ciidan ahaana wey u joogaan magaalada Baydhabo, waxaana u arkaa in ay yihiin caqabadda ugu weyn ee maanta Soomaaliya heysata, waayo imaatinkoodu ka mid ma ahayn sharcigii aanu ansixinay ka baarlamaan ahaan oo xageena sharci darro ayay ka yihiin dhinicii wada hadalkii Khartoum iyana waxay ku yihiin caqabad kale, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Dowladda Federaalka in ay meesha ka saaraan ciidamadaas, waayo waxay ku joogaan jaceyl oo shakhsiyeed ee kuma joogaan sharci Qaran ama mid Dowladeed”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo ka warcelinayay su’aal ahayd in uu isagu arkay Ciidamada Itoobiya ee ay mar kasta soo hadal qaadaan.
Waxaanu sidoo kale weydiinay rajada laga qabi karo in ay wax ka soo baxaan shirarka Khartoum ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta, “Haddii Tanaasul la isu sameeyo oo wixii jira ee khilaaf ah la isaga garaabo waxaan qabaa in ay wax ka soo bixi karaan haddiise qolo kasta meesheeda ku dhegto oo aaney dadka dadka iyo dalka toona eegin waxay ila tahay in uu waqti lumis noqonayo shirkaas oo aaney waxba ka soo bixi doonin, waxaanse uu xalku ku jiraa in dowladda Federaalka ay heshiis la gasho Maxkamadaha Islaamiga”ayuuna ku jawaabay.
Hadalladii ka soo yeeray Shiikh Xasan Turki iyo Culumaa’udiin kale oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ee ahaa in Somaliland ay xoog ku gelayaan si ay u soo furtaan Shiikh maxbuus ah ayaynu sida uu u arko arinkaas wax ka weydiinay Xildhibaanka, “Hadallada Xasan Turki iyo Abshir Bacadle-ba waa kuwo u adeegaya ujeedooyinka Itoobiya ee ah in la kala fogeeyo Shacabka Somaliland iyo Maxaakiimta Islaamiga, taasoo ah in Reer Somaliland loo tusiyo Maxkamadaha in ay yihiin dad xoog wax ku qabsanaya, halka aynu annaguna wadno in dadka halkaasi jooga ay u arkaan Maxkamadaha in ay yihiin dad nabad iyo Islaannimo ka shaqeynaya”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo u waramayay Wargeyska Sanca Press ee ka soo baxa magaalada Muqdisho.
“Hadallada hanjabaadaha waa kuwo colaad abuuraya ee ma ahan kuwo soo dhaweynaya dad caro inooga maqan isla markaana aad u taageersan Maxaakiimta Islaamiga, waayo xariga Shiikha ma ahayn mid aad u fiican oo weynu ka wada xunnahay, isla markaana dibadbaxyo xoog leh ayaa lagu muujiyay oo ay ka qeybgaleen shacab iyo siyaasiyiin Reer Somaliland ah, sidaas darteed ma ahan in dadkii sidaas yeelay colaad la tusiyo, Inaga oo weliba ogsoon in ay yihiin dad leh ciidamo u gooni ah”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan Cabdalla Xaaji.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia